Wafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye Ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Mudane Faarax Cabdi Diini wafdigaas oo qeyb ka ah Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa magaalada Konya ee dalka Turkiga kula kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya Mr. Ercan Uslu, Konya waxa ay kamid tahay Magaooyinka ugu waaweyn Dalka Turkiga uguna taariikhaha fog.
Labada Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha, gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday, waxaa xusid mudan in kulanka intii uu socday looga mahadceliyay Mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweyne Erdogan uu siiyay Guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta Caasimadda Dalka ee Muqdisho, Madaxda labada Dawlad Hoose ayaa intaasi kadib isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo arrimaha soo socda.
- Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada Magaalo.
2. In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho, maadaama Maamulka Konya ay khibrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenada nadaafadda Dawladda hoose ee Xamar.
3. Waxaa si wadajir ah Madaxda labada Dawladda Hoose ay isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.
4. In si deg deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa, taaso labada Maamul ku kala tagi doonaann Konya iyo Muqdisho.
5. In Machadka tababarada Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Xamar dhinaca tababarada shaqaalaha, isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeennada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.