Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 hours ago
in Wararka
0
Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed (SPA), Mudane Cabdulqaadir Maxamuud Aadan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta u-diyaargarowga iyo ka-jawaabista degdegga ah, gaar ahaan xaaladaha ka dhasha hawlaha sahminta saliidda iyo gaaska.

Related posts

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay adkaynta isku-duwidda hay’adaha, maareynta khataraha iyo horumarinta qaab-dhismeedyo jawaab-celin oo isku dhafan, si wax looga qabto saameynta ay hawlaha shidaalku ku yeelan karaan deegaanka iyo nolosha bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Hay’adda SoDMA door muuqda ku yeelato hawlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka, isla markaana ay qayb ka noqoto heshiisyada lala galayo shirkadaha shidaalka, si loo helo damaanad-qaad iyo magdhow haddii ay ka dhashaan musiibooyin.

 

 

Previous Post

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

January 19, 2026
0

Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Ali , today received the Ambassador of the Republic of...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ee Bariga Afrika

January 19, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In