Thursday, March 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Masar iyo Jaamacadda Carabta oo kulan sagootin ah u sameeyay Danjire Ilyaas

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxda Masar iyo Jaamacadda Carabta oo kulan sagootin ah u sameeyay Danjire Ilyaas
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa kulamo sagootin ah u sameeyay Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo dhameystay muddo-xileedkii diblomaasiyadeed ee uu ku joogay Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar daddaalladii diblomaasiyadeed, waxqabadkii iyo wada shaqayntii uu muujiyay gaar ahaan kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, iyago xusay sida dowladda iyo shacabka Masar ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

Sidoo kalle Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa ku amaanay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar inuu xoojiyay xiriirka iyo wadashaqeynta ururka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo  Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Kulamada uu la yeeshay, waxa uuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Masar, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Previous Post

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo tababar loogu soo xiray Turkiye

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In