Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo bogaadiyay Waxqabadka Xukuumadda DanQaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo bogaadiyay Waxqabadka Xukuumadda DanQaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda #DanQaran oo ay goobjoog ka yihiin madaxda ugu sarreysa dalka, ayaa ka socota Muqdisho.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kaloo ka qeybgalay Xubno ka tirsan Goleyaasha Diwladda, diblomaasiyiin iyo marti sharaf xafladda lagu casuumay.

Related posts

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay Xukuumadda DanQaran muddada labada sano ee ay jirtay.

“Muddadii labada sano ahayd ee aan xafiiska joognay Xukuumadda DanQaran waxa ay la timid dadaal xooggan oo lagu xaqiijiyey guulo waaweyn oo dalka u horseedaya isbeddel dhab ah”. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xamsa Cabdi Barre ” Shaqada baaxadda leh ee noo qabsoontay nooma hirgasheen haddii aysan nala shaqeyn lahayn labada gole ee Baarlamaanka JFS, runtii aad baan ugu mahadcelinayaa”.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Madoobe, ayaa bogaadiyey hanaanka qaadista Canshuurta iibka ee Xukuumaddu soo rogtay, isaga oo Xukuumadda DanQaran ku ammaanay dadaalka ay sameysay labadii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mid mid u kormeeray bandhigga Waxqabadka Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran oo labo sano jirsatay, kaasi oo caawa lagu soo bandhigayo Munaasabad ka socota magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Xafladda ayaa yiri ”Xukuumadda DanQaran wixii ay qabatay labadii sano ee la soo dhaafay, waa sadar muuqda su’aal ka dhan, indhaheenna ayaan ku aragnay, guulaha la gaaray wadajir, wada-shaqeyn iyo midnima ayaa lagu gaaray”.

”Askariga Soomaaliiyeed ee ciidamada qalabka sida ka tirsan ee maalin walba dhimanaya waa naftood hureyaal, waxa ay maalin walba isku dhigaan qaraxyo shacabka loo waday oo ay ugu dambeysay kuwii maalmo ka hor isku dhigay qaraxyadii Ceelasha biyaha”. Ayuu yiri Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh.

 

Previous Post

Somali FM Discussed with His Japanese Counterpart on Expanding Areas of Cooperation

Next Post

Madaxweynaha JFS oo qeyb galay bandhigga sanadlaha ah ee waxqabadka Xukuumadda

Next Post
Madaxweynaha JFS oo qeyb galay bandhigga sanadlaha ah ee waxqabadka Xukuumadda

Madaxweynaha JFS oo qeyb galay bandhigga sanadlaha ah ee waxqabadka Xukuumadda

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In