Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxda Qaranka oo hambalyo u dirtay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan munaasabdda ciidda ugu hambalyeeyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu Alle ka baryay in soonkii iyo Salaaddii u ka aqbalo Ummadda Muslimiinta ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed..

“Ummadda Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa inay iscafiyaan oo ay isa saamaxaan, isla markaana ay ka wada shaqeeyaan sidii midnimadooda loo xoojin lahaa, isagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo arrimaha dib u heshisiinta oo waxkasta lagu dhameeyo wada hadal, loona gurmado dadka tabaaleysan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaai ayaa munaasabadda curashada bisha shawaal ee ciidul fitriga ugu hambalyeeyay Ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, waxaana uu bulshada ka codsaday in ay dhexdooda isu gar gaaraan kiisa aan waxba heysan.

“Ciid  mubaarak mubaarak, Ciid mubaarak, Ciid mubaarak, kulli caamu wa antum bil kheyr, Ciidaan iyo cideeda Allow samo nagu gaarsii, Mahad Alle ayaa leh, hana aqbalo soo jeedka habeenkii, soonka iyo salaadda, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa in ciddaan tiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare, Isla markaana ay dhexdooda isu gurmudaan oo ay is caawiyaan” ayuu yiri Prof Jawaari.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna dhankiisa hambalyo u dirayay shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ugu bishaareeyay dhalasha 1-da Shawaal.

Sidoo kale Gobollada dalka Soomaaliya ayaa saaka si isku mid ah looga ciiday, maadaama ay maanta ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidul firtiga, iyadoo Ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah isugu hambalyaynayeen munaasabadda maalinta koowaad ee ciidda.

Previous Post

Tartamayaasha ka qeyb galay tartan aqooneedka Warbaahinta Qaranka oo loo hambalyeeyay “SAWIRRO”

Next Post

DAAWO SAWIRADA- Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Next Post
DAAWO SAWIRADA- Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

DAAWO SAWIRADA- Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula dukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In