Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Limpopo  “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika ayaa kulan kula  qaadatay Jaaliyadda Gobolka Limpopo Magaalada Polokwane ee dalkaasi xilli ay safarro shaqo ku marayeen qaar ka mid ah Gobolada ay Soomaalida u badantahay.

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya K/Afrika,Danjire Jamal Barrow Qunsulka Mudane Maxamed Cali MIre ( Nabadoon) iyo Xoghaya Koowaad Mudane Ismaciil Cabdalle Soomane oo kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka tirsan Madaxda Jaaliyadda ​​ayaa waxa ay kulamadooda ku saabsanayeen kala warqaadasho iyo sida loo heli lahaa Jaaliyad mideysan,waxeyna Safaaradda ka codsadeen inay Safaaradda ka caawiso sidii loo heli lahaa hal Jaaliyad.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Polokwane,Dahir Hilowle Xasan oo ka mid ahaa dadkii Kulankan ka hadlay ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay safarka Madaxda Safaaradda isagoo sheegay inay muhiim tahay iska warqabka Safaaradda iyo Jaaliyadda,waxa uuna ka codsaday inay wax ka qabato dhibaatooyinka Soomaalida xagga Sharciyada ka heysta.
“Mudane Safiir kusoo dhawow Limpopo waa Jaaliyad isku xiran oo aan laheen Jaaliyado badan,dadkaan waxey ku faraxsanyihiin soo booqashadaada waxaan kaa codsaneynaa in Soomaalidu sagaalka Gobol aad mideysaan”ayuu yiri Gudoomiye Dahir Hilowle.
Qaar ka mid ah dadkii kasoo qeybgalay Kulanka Jaaliyadda iyo Madaxda ayaa waxey su”aalo ka weydiinayeen Waxqabadka Safaaradda iyo howlaha ay mustaqbalka hiigsaneyso.
Ugu dambeyntii Danjire Jamal Barrow oo la hadlay Jaaliyadd Gobolka Limpopo ugu mahad celiyay Jaaliyadda soo dhaweynta,waxa uu Jaaliyadda K/Afrika ku amaanay inaytahay Jaaliyadda kaliya ee furatay Safaarad,ayna Safaaradda waddo dadaal badan oo ku aadan waxkaqabashada dhibaatooyinka Jaaliyadda gaar ahaan Sharciyada.
“​​​​​​​Safaaradda wax badan way qabatay wax badan oo kale ayaa u dhiman,waan ognahay inaad ku dhibantihiin Sharciyada wadahadal ayaa inoo socda Dowladda K/Afrika,hadii aan garabka is qabsano wax yaabo badan ayaan qaban karnaa” ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.
Todobaadkii hore ayay Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrka booqatay Magaalada Restenburg waxa ay kulan la qaadatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka North West, iyadoo tani ay noqoneyso sii xoojinta xiriirka Jaaliyadda iyo Safaaradda.
WD:C/qaadir Axad,Limpopo
IMG_0637 IMG_0646 IMG_0649 IMG_0663 IMG_0696 IMG_0746 IMG_0768
Previous Post

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo booqday xarunta dhaqancelinta dhalinyarada ka soo goosata Shabaab

Next Post

Guddoomiye Guudlaawe oo sheegay iney korortay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka

Next Post
Guddoomiye Guudlaawe oo sheegay iney korortay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka

Guddoomiye Guudlaawe oo sheegay iney korortay tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In