Madaxda Sare ee dalka ayaa waxa ay xalay ka qeyb galeen xaflad lagu soo xirayey Kalfadhigii Kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxda xaflada Ka qeyb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Ra’isul Wasaaraha Dalka , Gudoomiyaha Golaha Shacabka , Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxa ay si wadajir ah uga hadleen Muhiimada uu lahaa kafadhigii baarlamaanka ee la soo xiray iyagoo sidoo kale ka hadlay howlaha horyaal baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqada adag ee laga sugaayo.