Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo kulan sagootin ah u sameeyay wafdi ka socday Finland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo kulan sagootin ah u sameeyay wafdi ka socday Finland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidan Yoonis, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla, Agaasimah Maamulka iyo Maaliyada Mudane Cabdinaasir Xuseen Xasan, Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali, Agaasimaha Shaqada iyo horumarinta shaqaalaha Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow iyo xubno kale ayaa maanta ka qeyb galay kulan sagootin ah oo loo sameeyay tababarayaal dhanka saxaafadda ah oo ka socday Hay’adda horumarinta Warbaahinta Caalamka ee  dalka Finland ee magaceeda loo soo gaabiyo VIKAS.

Tabarayaasha ayaa dalka keenay qalab lagu horumarinayo Warbaahinta Qaranka, iyagoo tababaro siiyey qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta.

Related posts

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla ayaa ugu horeyn mahadcelin iyo bogaadin u jeediyay tababaryaasha, isla markaana ku aamanay shaqada isbedelka leh ay ka muujiyeen horumarinta qeybaha shaqaalaha iyo qalabka istuuyaasha Telefishinka Qaranka.

“Waxaan halkan u joognaa inaan u mahadcelino Walaalaheen waqtiga qaaliga ah ee ay nala qaateen, qalabkii ay noo keneen iyo tababarkii ay noo siiyeen shaqaalaha Warbaahinta Qaranka oo muddo 48 saac  ka yar laga dareemay shaashadda Telefishinka Qaranka” ayuu yiri Agaasime Cadaala.

Siiyaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidan Yoonis ayaa isna mahadcelin taas la mid ah u jeediyay macaliinta iyo doorka ay ka qaateen hormarinta Warbaahinta Qaranka.

“Waxaan halkan uga mahadnayaa team-ka nooga yimid Finland, waxaan dhihi karaa waa saaxiibadeen, waa Walaalaheen sababtoo ah waxa weeyaan, wax anaga aan u baahanahay oo Telefishinka Qaranka u baahnaa ayay noo keeneen, maadaama ay ahaayeen kuwii hore noogu sameeyay Telefishinka Qaranka, aad baan ugu mahadcelineynaa” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Gabagabii munaasabadda sagootinta ah ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta waxay ay abaalmarino Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ah guddoonsiyeen dhamaan macalimiintii ka socotay dalka Finland, taasi oo ujeedku ahaa in  lagu dhiiri geliyo howsha ay ka qabteen Telefishinka Qaranka.

 

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo La-taliyaha arrimaha Ciidanka Xoogga ee Madaxweynaha oo Hambalyo u diray ciidanka Badda

Next Post

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado oo Soomaali ay kamid tahay

Next Post
Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado oo Soomaali ay kamid tahay

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shaqsiyaad iyo shirkado oo Soomaali ay kamid tahay

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaadiidka oo qabatay kulan ku saabsan u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

January 28, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ka yeelatay xaqiijinta adeeg hufan oo loo...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In