Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda wasaaradda waxbarashada XFS oo la kulmay maamulayaasha iskuullada dowladda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxda wasaaradda waxbarashada XFS oo la kulmay maamulayaasha iskuullada dowladda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay, maamulayaasha, iyo kormeerayaasha 24  iskuul oo  ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada ee ku yaalla gobolka Banaadir.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed ee dhigata iskuullada ay maamusho dowladda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Sidoo kale waxaa looga hadlay kobcinta aqoonta caruurta Soomaaliyeed si loo hagaajiyo mustaqbalkooda.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa kulan la qaatay kormeerayaasha iy maamulayaasha iskuullada ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada.

Maamulayaasha iyo kormeerayaasha ka socday 24-ka iskuul ee ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay in wasaaradda ay dadaal ku bixiso sidii loo dhameystiri lahaa wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa  sheegay in wasaaradda ay diyaarisay wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada islamarkana hadda dib u dayactir lagu sameyn doono iskuullo hor leh oo ay leedahay dowladda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa kula dardaarmay maamulayaasha iyo kormeerayaasha iskuullada dowladda inay dadaal ku bixiyaan sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa caruurta Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada oo la kulmay maamulayaasha iskuullada dowladda gacanta ku heyso.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasiimaha guud ee  maaliyadda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Muuse Maxamed Axmed.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa kordhisay gaadiidka qaada ardeyda dhigata iskuullada dowladda kadib markii ay bateen.

Previous Post

Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buur-hakaba

Next Post

Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha

Next Post
Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha

Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In