Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda wasaaradda waxbarashada XFS oo la kulmay maamulayaasha iskuullada dowladda+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
September 23, 2018
in Wararka
0
Madaxda wasaaradda waxbarashada XFS oo la kulmay maamulayaasha iskuullada dowladda+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay, maamulayaasha, iyo kormeerayaasha 24  iskuul oo  ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada ee ku yaalla gobolka Banaadir.

Arrimaha kulanka lagu lafa guray ayaa waxaa ka mid ah sidii wada jir looga qeyb qaadan lahaa horumarinta waxbarashada ardeyda Soomaaliyeed ee dhigata iskuullada ay maamusho dowladda.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Sidoo kale waxaa looga hadlay kobcinta aqoonta caruurta Soomaaliyeed si loo hagaajiyo mustaqbalkooda.

Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa kulan la qaatay kormeerayaasha iy maamulayaasha iskuullada ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada.

Maamulayaasha iyo kormeerayaasha ka socday 24-ka iskuul ee ay gacanta ku heyso wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in xiligan loo baahan yahay in wasaaradda ay dadaal ku bixiso sidii loo dhameystiri lahaa wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Xassan Maxamed Cali ayaa  sheegay in wasaaradda ay diyaarisay wax kasta oo ay u baahan yihiin iskuullada islamarkana hadda dib u dayactir lagu sameyn doono iskuullo hor leh oo ay leedahay dowladda.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Feysal Cumar Guuleed ayaa kula dardaarmay maamulayaasha iyo kormeerayaasha iskuullada dowladda inay dadaal ku bixiyaan sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa caruurta Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada oo la kulmay maamulayaasha iskuullada dowladda gacanta ku heyso.

Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasiimaha guud ee  maaliyadda wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Mudane Muuse Maxamed Axmed.

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa kordhisay gaadiidka qaada ardeyda dhigata iskuullada dowladda kadib markii ay bateen.

 

Previous Post

Dagaal lagu dilay Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay Buur-hakaba

Next Post

Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha

Next Post
Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha

Shirka Isku-xirka Caddaaladda oo looga dooday Dardar-gelinta Qorshaha Horumarinta Garsoorka Iyo Fulinta Go’aannaada Maxkamadaha

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In