|
Muqdisho (May 4, 2017)-Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka tacsiyeynaysaa geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho. Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil. Geeridiisa aad bey noo wada taabatay. Dowladda Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa la marsiin doonaa sharciga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa waxay soo gaabiyeen booqashadii ay halkan ku joogeen, waxa ayna berri dib ugu laaban doonaan magaalada Muqdisho si ay uga qeybgalaan aaska qaran ee loo sameynayo marxuumka. Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin Innaa Lilaahi Wa innaa ilayhi raajicuun Cabdinuur Maxamed Axmed |
๐๐โ๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐ ๐๐๐ฆ๐ฌ๐ ๐จ๐จ ๐ก๐๐ฒโ๐๐๐๐ก๐ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐ ๐ค๐ฎ ๐๐จ๐ ๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐ง๐๐๐๐๐ ๐๐ฅ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐ฌ๐ข๐ฆ๐๐๐๐
RADIO MUQDISHO:-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeybgalay munaasabad loogu mahadcelinayay ciidanka Qaranka sidii ay...












