Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxwaynaha Galmudug oo ka qayb galey soo bandhigida warbixinta macluumaadka dadka reer Galmudug ee 2020

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
June 19, 2021
in Wararka
0
Madaxweyne Qoor-qoor oo cambaareeyay weerarkii argagixiso ee Garoowe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madashan oo uu ka qayb galey Madaxwaynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aheyd soo bandhigida warbixinta sahanka Caafimaadka iyo macluumaadka dadka Dowlad Gobolka Galmudug ee 2020 oo ay wadajir u sameeyeen Wasaaraddaha Qorsheynta iyo Caafimaadka Dowlad Goboleedka Galmudug.

Daraasadan oo lagu soo bandhigey macluumaadka dhabta ah ee la xiriira bulshada ayaa diirada lagu saarey in la ogaado heerarka ay marayaan tusaalayaasha muhiimka ah sida caafimaadka, waxbarashada, fayadhowrka, nafaqada iyo nolosha heerarka kala duwan ee qoysaska Galmudug

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025

Maslax Maxamed Cabdi madaxa kormeerka iyo maareynta qandaraasyada ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa ka waramay faa’iidada ay leedahay daraasadan.

Wasiirka qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Geelle iyo wasiirka Caafimaadka Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac ayaa tilmaamey in qiimeyntani meesha ka saari doonto xogihii hore looga xigan jiray ee hey’addaha aan dowliga aheyn.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ugu dambeyn ku amaaney Wasaaraddaha Caafimaadka iyo qorsheynta qiimeyntan ay sameeyeen oo noqoneysa sahankii ugu horeeyay tan iyo markii Galmudug la aas-aasey.

Kulankan ayaa gunaanadkiisa looga baaqey qorshe dajiyayaasha Galmudug oo ay kujiraan hey’addaha Dowladda iyo dhamaanba hey’addaha kale in maanta waxii ka dambeeya ay heli karaan xoggo kala duwan oo muhiim u ah wax ka qabashada baahiyaha dadka reer Galmudug.

 

Previous Post

Ibraahim Ra’iisi oo loo doortay Madaxweynaha Iiraan

Next Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo safar ku tagay Degmada Waajid “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo safar ku tagay Degmada Waajid “SAWIRRO”

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo safar ku tagay Degmada Waajid “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo hawlgal qorsheysan ku dhabar-jebiyay Khawaarijta

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(SHABEELLAHA DHEXE): Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka Raaga Ceelle ee Macawiisleyda ayaa maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka...

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo hawlgal ka dhan ah khawaarij ka fuliyey deegaano ka tirsan Bakool

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan geesiyaasha ka tirsan Ururada 93-aad iyo 96-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In