Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi “Farmaajo” ayaa Booqasho Sharafeed ugu tagay Sheekh Cabdurashiid Cali Suufi, Masaajidka uu iimaamka ka yahay ee ku yaala magaalada Doha ee dalka Qadar.
Sheekh Cabdirashiid ayaa Halkaasi si ballaadhan ugu soo dhoweeyay Madaxwaynaha iyo Wafdigiisa waxayna la Tukadeen Salaadda Makhrib, iyagoo iska xog waraystay xaaladda dalka uu Marayo iyo halka ay Xukuumadda Soomaaliya Hiigsanayso Sanadaha soo Socda.
Sheekh Cabdirashiid ayaa Madasha ka soo jeediyey Farriin Qiimo badan iyo Dar-daaran, isagoo Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay Qabsadaan Xariga Alle.
Booqashada Madaxwaynaha iyo Wafdigiisu ay ku Sharfeen Sheekh Cabdirashiid ayaa Muujinaysa Doorka wayn ee Culimada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Bulshada,
Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi ayaa wuxuu Caan ku hayay codka uu alle Hibada u siisay ee qiraa’ada Qur’aanka Kariimka, wuxuuna ka mid yahay Culimada ugu caansan dalalka Islaamka.