|
Muqdisho, 25 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ka daali doonin inay ka mira dhaliyaan dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka jeediyay magaalada Beled Weyne oo isaga iyo wafdi uu horkacayo ay gaareen. “Waa muhiim in maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la eegayo danta guud iyo shacabku si ay helaan adeegyada muhiimka ah ee au u baahan yihiin sida amniga , kala dambeynta , waxbarashada , caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee horumarka’’. Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in reer Hiiraan iyo reer Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad bisil oo looga fadhiyo inay la jaanqaadaan nidaamka federaalka ee dalka ka jira. Waxaa uu Madaxweynaha intaa raaciyay in meel fiican ay marayaan dadaalada la isugu soo dhoweynayo dhammaan beelaha wada dega labada gobol ee ku aaddan dhismaha cusub Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. “Ajendaha keliya ee dowladda ka leedahay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in maamul ay yeeshaan labada gobol. Waad la socotaan in maamullada Puntland iyo Galmudug ay dagaal kula jiraan cadowga nabada diiddan ee Al Shabaab. Guulo ayayna ka soo hoyeen. Waxaa hubaal ah in haddii degaannadaas aanay maamul yeelan lahayn ay ku adkaan lahayd inay Al Shabaab iska difaacaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha. Kulankii ugu horreeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Arrimaha GudBatraha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed). Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdullaahi Xasan , xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale. |
𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...















