Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘Ajandaha dowladda ay ka leedahay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa dhismaha maamul ay yeeshaan labada gobol” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘Ajandaha dowladda ay ka leedahay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waa dhismaha maamul ay yeeshaan labada gobol” “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Muqdisho, 25 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marnaba ka daali doonin inay ka mira dhaliyaan dhismaha maamul goboleed ay yeeshaan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan maanta ka jeediyay magaalada Beled Weyne oo isaga iyo wafdi uu horkacayo ay gaareen.

“Waa muhiim in maamul ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la eegayo danta guud iyo shacabku si ay helaan adeegyada muhiimka ah ee au u baahan yihiin sida amniga , kala dambeynta , waxbarashada , caafimaadka iyo qeybaha kala duwan ee horumarka’’.

Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in reer Hiiraan iyo reer Shabeellaha Dhexe ay yihiin dad bisil oo looga fadhiyo inay la jaanqaadaan nidaamka federaalka ee dalka ka jira.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa raaciyay in meel fiican ay marayaan dadaalada la isugu soo dhoweynayo dhammaan beelaha wada dega labada gobol ee ku aaddan dhismaha cusub Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Ajendaha keliya ee dowladda ka leedahay Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waa in maamul ay yeeshaan labada gobol. Waad la socotaan in maamullada Puntland iyo Galmudug ay dagaal kula jiraan cadowga nabada diiddan ee Al Shabaab. Guulo ayayna ka soo hoyeen. Waxaa hubaal ah in haddii degaannadaas aanay maamul yeelan lahayn ay ku adkaan lahayd inay Al Shabaab iska difaacaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Kulankii ugu horreeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu warbixin kaga dhegeystey Wasiirka Arrimaha GudBatraha iyo Federaalka, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga, Maxamed Cabdullaahi Xasan , xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha Dalka Oo Kulamo Beledweyne Kula Leh Qeybaha Kale Duwan Ee Bulshada “Sawirro”

Next Post

Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro

Next Post
Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro

Raisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta gaaray Garoowe+Sawirro

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In