Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ”Baarlamaanka ha dardar geliyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ”Baarlamaanka ha dardar geliyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka, ugu baaqay in iyadoo la eegayo waqtiga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan gaar ah oo uu maanta la qaatay Guddiga Baarlamaanka Federaalka ugu qaabilsan hannaanka doorashada.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saartay Qalalaasihii Boorama

December 6, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

December 6, 2025

“Baarlamaanka waa aasaaska dowladnimadeena, sidaa darteed markii madaxda dowladda dhexe iyo madaxda maamulada ay isku soo raaceen hannaanka doorasho, waxaa lagama maarmaan noqotey sida sharcigu qabo, in idinkuna aad talo ka dhiibataan, ugu dambeyntiina aad ansixisaan si loo helo hannaan sharciyad dhammeystiran leh. Waxa aan mar walba adeegsaneynaa oo dowladnimadeena ay ku dhisan tahay nidaamka wadatashi iyo wax isla oggolka”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale xusay baahida loo qabo dhismaha dhaqan dowladeed hufan oo daboolaya rabitaanka shacabka, lana dhowro waqtiga jiritaanka goleyaasha qaran sida uu dastuurka dhigayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku guda jirto dhismaheeda hay’adaheeda dowliga, lagama maarmaanna ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo helo caddaalad, nabad iyo horumar.

Kulankan gaarka ah ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.

Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hannaanka doorashada ayaa loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan hannaanka doorashada dalka, kadibna ay xubnaha kale ee Baarlamaanka la qeybsadaan. Waxaa dukumentiga heshiiska hannaanka doorashada loo gudbiyay Baarlamaanka bishii April 30-keeda.

Previous Post

Faahfaahin Ciidamada Amaanka oo ka Hortagay Weerar Qarxyo Ah

Next Post

15-ka May waa maalin ku weyn xusuusta waddaniyiinta Soomaaliyeed “Maqaal”

Next Post
15-ka May waa maalin ku weyn xusuusta waddaniyiinta Soomaaliyeed “Maqaal”

15-ka May waa maalin ku weyn xusuusta waddaniyiinta Soomaaliyeed "Maqaal"

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya Oo Baaq Kasoo Saartay Qalalaasihii Boorama

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa baaq kasoo saartay qalalaasahii rabshadaha watay ee ka dhacay gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama....

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Xarig Jaray Buundada Sabiib Iyo Caanoole

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeellaha hoose,wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka ayaa...

Ciidamada Xaq U Dirirka Oo Hawlgal Qorshaysan Kula Soo Wareegay Deegaan Dhaca Galgaduud

Ciidamada Xaq U Dirirka Oo Hawlgal Qorshaysan Kula Soo Wareegay Deegaan Dhaca Galgaduud

December 6, 2025
0

RADIO MUWDISHO:-Ciidamadda Xaq-U-Dirirka Deegaanka ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday deegaanka Cowsweyne,kaas oo qiyaastii 50km u jira degmada Ceeldheer,waxaana ay si...

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Dhiggiisa Baarlamaanka Caalamiga Ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Munaasabad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Dhiggiisa Baarlamaanka Caalamiga Ah

December 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa munaasabad soo dhaweyn ah xalay ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In