Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Booqashada aan ku tagney Imaaraadka Carabta waxay ahayd guul u soo hoyatey qaranka Soomaaliyeed’’+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Booqashada aan ku tagney Imaaraadka Carabta waxay ahayd guul u soo hoyatey qaranka Soomaaliyeed’’+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 31 August, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo dhameystey booqasho rasmi ah oo uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii u halkaasi joogay kulan rasmi ah la yeeshay dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta, Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa sidoo kale xaley kulan gaar oo looga hadlayey dhinacyada ay labada dal sida dhow isaga kaashan karaan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Al-Gargarsh.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Imaaraadka Carabta ayaa kulamadaasi isku afgartey in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya ee dhinacyada dib u dhiska, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale kulamadooda uga wadahadley xal u helista mashaakilaadka ka taagan dalalka Carabta, gaar ahaan Yemen, iyadoo si gaar ah ay dowladda Soomaaliya u sheegtay inay taageersan tahay xukuumadda dalka Yemen ka dhisan ee uu horkacayo Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Kulamadaasi ayaa Madaxweynaha waxaa uu ku tilmaamey inay ahaayeen kuwo mira dhal ah, qiimo weyna ugu fadhiya qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, ururrada bulshada iyo mas’uuliyiin kale.

1 3 4 5 7 9 unnamed

Previous Post

Baarlamanka F. S. oo maanta ansixiyay sharciga shaqaalaha ajaanibta ah

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In