Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Booqashada aan ku tagney Imaaraadka Carabta waxay ahayd guul u soo hoyatey qaranka Soomaaliyeed’’+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
August 31, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Booqashada aan ku tagney Imaaraadka Carabta waxay ahayd guul u soo hoyatey qaranka Soomaaliyeed’’+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 31 August, 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo dhameystey booqasho rasmi ah oo uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa intii u halkaasi joogay kulan rasmi ah la yeeshay dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta, Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Madaxweynaha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac (Jangeli), ayaa sidoo kale xaley kulan gaar oo looga hadlayey dhinacyada ay labada dal sida dhow isaga kaashan karaan la yeeshay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Al-Gargarsh.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Imaaraadka Carabta ayaa kulamadaasi isku afgartey in la kordhiyo taageerada la siinayo Soomaaliya ee dhinacyada dib u dhiska, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale kulamadooda uga wadahadley xal u helista mashaakilaadka ka taagan dalalka Carabta, gaar ahaan Yemen, iyadoo si gaar ah ay dowladda Soomaaliya u sheegtay inay taageersan tahay xukuumadda dalka Yemen ka dhisan ee uu horkacayo Madaxweyne Abd Rabbuh Mansur Hadi.

Kulamadaasi ayaa Madaxweynaha waxaa uu ku tilmaamey inay ahaayeen kuwo mira dhal ah, qiimo weyna ugu fadhiya qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, xubno ka tirsan labada gole, ururrada bulshada iyo mas’uuliyiin kale.

1 3 4 5 7 9 unnamed

Previous Post

Baarlamanka F. S. oo maanta ansixiyay sharciga shaqaalaha ajaanibta ah

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In