Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf dhabarka dib u unkidda qaranimada dalka’’ SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf dhabarka dib u unkidda qaranimada dalka’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 12, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabadda xuska sannad-guurada 56-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku began 12-ka April, hambalyo u diray sareeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, dableyda iyo xaasaskooda.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay Soomaaliya ay ku jirto xaalad ay dib u dhis ku sameyneyso ciidankeeda, dhanka kalena ay dagaal kula jirto cadow.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

“Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay inaan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad wanaagsan aysan weli guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka argagixisada, marka la barbardhigo ciidankeena’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay mid caalami ah, sababtaas darteedna uu caalamka ugu soo gurmadey Soomaaliya, miraha laga dhaxlayna ay tahay dowladnimada soo kobceysa ee haatan dalka ka jirta.

“Argagixisadu sidaad la socotaan dhowaan carruur yar- yar ayay geeyeen Puntland iyo Galmudug. Taasi waxay muujineysaa fuleynimadooda, oo waxay doonayeen inay iyagu gadaal maraan, carruurtaa yar-yarna ay iska hormariyaan. Dowladda si dhow ayay ula socotaa xaaladda carrurtaasi la soo duufsadey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey waalidiinta dhashay carruurtaasi la soo duufsadey inay isa soo shaac bixiyaan, ayna carruurtooda u muujiyaan jaceylka, naxariista iyo daryeelka waalidnimo ee ay xaqa u leeyihiin.
Waxaa uu ugu baaqey beesha caalamka inay Dowladda Federaalka iyo maamullada gacan ka siiyaan dhaqan celinta carruurtaasi.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha in si habsami leh ay u socdaan hawlaha isku dhafka ciidammada, isla markaana hawlo badan laga qabtey sidii daah-furnaan dhameystiran ay uga jiri lahayd maamulka iyo hawlgelinta ciidammada.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa inuu tusaale wanaagsan u noqdaa shacabka intiisa kale. Waxyaabaha aan ku guuleysaney inaan ka ciribtirno ciidanka waxaa ka mid ah musuqmaasuqa. Bishii September ee sannadkii la soo dhaafay waxaan bixey awaamiir ku qotoma daah-furnaanta hawlaha ciidanka, wax badan ayaana ay waxtareen. Waxaa laakiin jira guux sheegaya inay weli wax dhiman yihiin, waana filayaa in guuxaasi mar dhow la suuliyo oo wax la saxo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha u mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Dalalka caalamka wax badan ayay u qabteen ciidankeena. Waddamada ciidammada inoo soo diray tallaabo naf u hurid ah ayay sameeyeen, mana ahan kuwo u jooga inay dalkeena gumeystaan. Ciidankan shisheeye iyo caalamkuba waxay ka shaqeynayaan sidii waddankeena oo argagixiso ku soo duuleen aan dib ugu hanan lahayn’’.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqay shacabka inay taageero buuxda siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay inay dhegaha ka fureystaan wararka ay faafinayaan kuwa cadowga ah ee doonaya inay ummadda kala dhantaalaan.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaandhigga, Gen.Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, madaxweyneyaasha maamullada Puntland, Koonfuur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland iyo weliba Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an fulinta qodobada muhiimka ah ee ku xusan war-murtiyeedka madasha’’

Next Post

Pentagon: 12 al-Shabab ah ayaa lagu diley Soomaaliya

Next Post
Dagaal ay ka qeyb qaateen diyaarado oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Pentagon: 12 al-Shabab ah ayaa lagu diley Soomaaliya

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In