Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf dhabarka dib u unkidda qaranimada dalka’’ SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf dhabarka dib u unkidda qaranimada dalka’’ SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, April 12, 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa munaasabadda xuska sannad-guurada 56-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku began 12-ka April, hambalyo u diray sareeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, aliflayda, dableyda iyo xaasaskooda.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay Soomaaliya ay ku jirto xaalad ay dib u dhis ku sameyneyso ciidankeeda, dhanka kalena ay dagaal kula jirto cadow.

Related posts

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

December 16, 2025
Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025

“Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay inaan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad wanaagsan aysan weli guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka argagixisada, marka la barbardhigo ciidankeena’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka argagixisada uu yahay mid caalami ah, sababtaas darteedna uu caalamka ugu soo gurmadey Soomaaliya, miraha laga dhaxlayna ay tahay dowladnimada soo kobceysa ee haatan dalka ka jirta.

“Argagixisadu sidaad la socotaan dhowaan carruur yar- yar ayay geeyeen Puntland iyo Galmudug. Taasi waxay muujineysaa fuleynimadooda, oo waxay doonayeen inay iyagu gadaal maraan, carruurtaa yar-yarna ay iska hormariyaan. Dowladda si dhow ayay ula socotaa xaaladda carrurtaasi la soo duufsadey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqey waalidiinta dhashay carruurtaasi la soo duufsadey inay isa soo shaac bixiyaan, ayna carruurtooda u muujiyaan jaceylka, naxariista iyo daryeelka waalidnimo ee ay xaqa u leeyihiin.
Waxaa uu ugu baaqey beesha caalamka inay Dowladda Federaalka iyo maamullada gacan ka siiyaan dhaqan celinta carruurtaasi.

Waxaa uu xusay Madaxweynaha in si habsami leh ay u socdaan hawlaha isku dhafka ciidammada, isla markaana hawlo badan laga qabtey sidii daah-furnaan dhameystiran ay uga jiri lahayd maamulka iyo hawlgelinta ciidammada.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa inuu tusaale wanaagsan u noqdaa shacabka intiisa kale. Waxyaabaha aan ku guuleysaney inaan ka ciribtirno ciidanka waxaa ka mid ah musuqmaasuqa. Bishii September ee sannadkii la soo dhaafay waxaan bixey awaamiir ku qotoma daah-furnaanta hawlaha ciidanka, wax badan ayaana ay waxtareen. Waxaa laakiin jira guux sheegaya inay weli wax dhiman yihiin, waana filayaa in guuxaasi mar dhow la suuliyo oo wax la saxo’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha u mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“Dalalka caalamka wax badan ayay u qabteen ciidankeena. Waddamada ciidammada inoo soo diray tallaabo naf u hurid ah ayay sameeyeen, mana ahan kuwo u jooga inay dalkeena gumeystaan. Ciidankan shisheeye iyo caalamkuba waxay ka shaqeynayaan sidii waddankeena oo argagixiso ku soo duuleen aan dib ugu hanan lahayn’’.

Ugu dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqay shacabka inay taageero buuxda siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo kula dardaarmay inay dhegaha ka fureystaan wararka ay faafinayaan kuwa cadowga ah ee doonaya inay ummadda kala dhantaalaan.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaandhigga, Gen.Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, madaxweyneyaasha maamullada Puntland, Koonfuur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland iyo weliba Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an fulinta qodobada muhiimka ah ee ku xusan war-murtiyeedka madasha’’

Next Post

Pentagon: 12 al-Shabab ah ayaa lagu diley Soomaaliya

Next Post
Dagaal ay ka qeyb qaateen diyaarado oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Pentagon: 12 al-Shabab ah ayaa lagu diley Soomaaliya

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

Wasaaradda duulista hawada oo ku dhawaaqay mashaariic lagu horumarinayo garoonka Aaden Cadde

December 16, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka...

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In