Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an fulinta qodobada muhiimka ah ee ku xusan war-murtiyeedka madasha’’

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: ‘’Waxaa naga go’an fulinta qodobada muhiimka ah ee ku xusan war-murtiyeedka madasha’’
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo magaalada Muqdisho ka socday intii u dhexeysay 10-ka ilaa 12-ka bishan April ee sannadka 2016.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay xiritaanka madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horray u dhaqaaqday, kulankan intii uu socdayna ay madaxda muujiyeen dulqaad, tanaasul iyo rabitaan la xiriira in Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadkan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026

“Waxaan anigoo ku hadlaya magaca dhammaan hoggaamiyeyaasha ku jira madashan aan soo dhoweynayaa war-murtiyeedka ka soo baxay shirkeenii saddexda maalmood socday. ‘’Waxaa naga go’an fulinta qodobada muhiimka ah ee ku xusan war-murtiyeedkan’’.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in si tartib tartiib ah waddanka loogu diyaarinayo inay ka dhacaan doorashooyin qof iyo cod ah, iyadoo sida war-murtiyeedka ka muuqdana ay ku dhowaad 14,000 oo qof ka qeyb qaadanayaan xulista xubnaha baarlamaanka soo socda.

“Waxaan filayaa in doorashada soo socota ee 2020-ka ay malaayiin qof codkooda dhiiban doonaan, markaas oo aan ku rajo weynahay inaan qaban doono doorashooyin dimoqraadiyadeed oo toos ah. Sannadkan ayay ahayd inaan shacabka u horseedno qabsoomidda doorashooyin toos ah, laakiin duruufo jira awgood ayaan dib ugu heshiinay inaan nidaamka beelaha ee 4.5 wax ku qeybsano’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey beesha caalamka taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay, waxaana uu xusuusiyay in waqtiga uu aad muhiim u yahay, muddada la haysto oo yar awgeedna ay dar-dar geliyaan taageerada ay bixiyaan si ay u fududadaan hawlaha doorashada sannadkan 2016-ka.

Madaxweynaha ka hor waxaa munaasabadda xiritaanka madasha ka hadley Ku-Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Raisedon Zenenga, iyo Wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira, waxayna labaduba ku bogaadiyeen madaxda Soomaaliyeed tallaabadan muhiimka ah ee ay horray u qaadeen, iyagoo dhanka kalena ballanqaaday taageero buuxda ee hannaanka siyaasadda ee dalka.

1 2 3 4 5 unnamed

Previous Post

Fanaanada Marwo Cabdi oo caawa ku geeriyootay Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf dhabarka dib u unkidda qaranimada dalka’’ SAWIRRO

Next Post
Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf dhabarka dib u unkidda qaranimada dalka’’ SAWIRRO

Madaxweynaha: ‘’Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf dhabarka dib u unkidda qaranimada dalka’’ SAWIRRO

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay xubno ka tirsan Dowladda Liibiya

April 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray Magaalada Tripoli ee...

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

R/ Wasaaraha XFS oo goor dhow Muqdisho ka daah-furaya tartanka Orodada ee Marathon-ka

April 10, 2026
0

R/ Wasaaraha Xukuumadda faderaalka Sooaaliya Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu Magaalada Muqdisho ka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In