Wednesday, February 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha cusub ee dalka Cuba oo xilka loo dhaariyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha cusub ee dalka Cuba oo xilka loo dhaariyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha cusub ee Dalka Cuba Miguel Diaz-Canel ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynie ee dalkaasi, isagoo Shantii Sano ee ugu dambaysay ku xigeen u ahaa hoggaamiyhii isaga ka horreeyay ee Raul Castro.

Mr; Diaz-Canel oo 57 jir ah ayaa beddelaya Raul Castro oo 86 jir ah, kaasoo muddo 12 Sano ah soo maamulayay Dalkaasi, ka dib markuu isna Kursiga kala wareegay Walaalkii Fedel Castro oo ahaa Aabbihii Kacaanka Cuba.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

February 11, 2026
Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

February 11, 2026

Dalka Cuba oo ka tirsan Waddamada laysku yiraahdo Laatiin America ayaa waxaa 60-kii Sano ee lasoo dhaafay soo xukumayay Qoyska Reer Castro, waloow uu haatanba talada Xisbiga Shuuciga weli sii hayo Raul Castro.

Miguel Díaz-Canel oo dhashay wixii ka dambeeyay curashadii Kacaanka Cuba, ayaa la sheegaa inuu saaxiib dhow la yahay Raúl Castro, wuxuuna sheegay inuusan wax is beddel ah ku samayn doonin siyaasaddii uu ku shaqaynayay Xisbiga Shuuciga.

Madaxweyne Diaz-Canel oo ka hadlayay xafladdii caleema saarka ee lagu dhaarinayay isaga ayaa sheegay inuu Kacaanku horay u sii socon doono, wuxuuna farriin quus ah u diray kuwa ku taamaya is beddel ballaaran iyo furfurnaan.

Jamhuuriyadda Kacaanka ee Cuba ayaa markii ugu horreysay yeelatay hoggaamiye aan kasoo jeedin Qoyska Reer Castro oo illaa 1959-kii soo kala dhaxlayay xukunka Dalkaasi.

Previous Post

Xulka Qaranka Soomaaliya Iyo Kenya Oo Beri Isku Dhagan

Next Post

Magaalada Jabuuti oo loo aqoonsaday caasimadda dhaqanka iyo dalxiiska ee Sanadkan 2018-ka.

Next Post
Magaalada Jabuuti oo loo aqoonsaday caasimadda dhaqanka iyo dalxiiska ee Sanadkan 2018-ka.

Magaalada Jabuuti oo loo aqoonsaday caasimadda dhaqanka iyo dalxiiska ee Sanadkan 2018-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo ka qaybgalay kal-fadhiga 48aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika

February 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka qaybgalay furitaanka Kal-fadhiga...

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

Wasiirka Batroolka XFS oo Cape Town kulan la qaatay maalgashadayaal caalami ah

February 11, 2026
0

Cape Town – Koonfur Afrika: Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa kulan...

February 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa magaalada Cape Town kulan kula yeeshay...

Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

Ciidamada XDS oo 6 Khawaarij ah ku dilay Gobolka Hiiraan

February 11, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka fuliyay weerar dhabagal ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In