Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Dadaal badan ayaan u soo galney inaan soo gaarno halka aynu maanta joogno” “Sawirro” 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Daawo Caleemo Saarka M.weynaha Jubbaland oo Manta Kisamyo Lagu Qabtay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kismaayo, 13 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley munaasabada caleema saarka Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba oo ka dhacdey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Khudbad uu halkaa ka jeediyay, ayaa Madaxweynaha waxaa uu ugu horeyn hambalyo u direy Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo shacabka gobollada Jubbooyinka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Waxaa uu sheegay in barnaamijka baahinta xukunka ee waddanka ka socda uu yahay nidaam ay Soomaalida ku wada heshiiyeen, loona baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo, maadaama uu yahay hab siyaasadeed ku cusub dalka.

“Dagaalkii sokeeye iyo fowdada way ka dhammaadeen Soomaaliya. Kala aragti duwanaansho kasta oo dhacda waxaa lagu xalin karaa wadahadal, waana mahad Ilaahay inaan ka soo gudubney waqtigii xoogga iyo colaadda wax lagu raadin jirey, Waxaan ku jirnaa marxalad siyaasadeed iyo dowlad dhisid.

Marxaladda noocaasi ahna waxaa barbar socota cabasho, tabasho, cabsi iyo is riix riix siyaasadeed. Waa inaan naceybka iyo colaadda ku bedelnaa in nabad la dhaliyo, is jaceylna la dhex dhigo bulshada’’.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga barto khaladaadkii hore u dhacay, Soomaaliyana loo abuuraa mustaqbal wanaagsan oo horumar iyo midnimo ku dhisan.
“Khibrad badan ayaa laga bartaa khaladaadkii hore u dhacay. Shacabka uma baahna in dhegahooda lagu shubo naceyb iyo cabsi. Haddii ay jiraan kala aragti duwanaansho u dhexeysa madaxda waa in lagu xaliyaa goobaha loogu talagaley, Sax ma ahan in goob fagaare ah amaba warbaahinta la soo dhex dhigo hadalo dadka kicin kara, kuna celin kara rajo beel iyo colaad hor leh oo aan loo baahneyn’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u heshiisiinta ay sii socon doonto, loona baahan yahay in dowladnimada sii xoogeysaneysa la aamino si horey loogu sii dhaqaaqo,
“Shisheeye nooma sameyn karto siyaasadda aan dalkeena ku hageyno, Beesha caalamka taageero badan ayay ina siisey”.

Waddamada deriska iyo Afrika inteeda kale waxay nagu deeqeen wiilashooda iyo gabdhahooda si ay dib u soo celinta nabadda inoo gala shaqeeyaan,waana ka mahad celineynaa. Haddaan nahay madaxdii qaranka, waxaa na soo doortey shacabka, waxaana na laga doonayaa inaan si hufan ugu adeegno, isla markaana aan dejino qorshe siyaasadeedkii waddankan lagu hagi lahaa inagoo shacabka kaashaneyna’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku booriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan, kana shaqeeyaan in waddanka la nabadeeyo horumarna la gaarsiiyo, isagoo intaa ku darey in loo baahan yahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa meel ka wanaagsan halka uu maanta marayo.

Xafladda waxaa kale oo ka soo qeybgaley , hadalana ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, madaxda maamullada Jubba, Galmudug, Koonfuur Galbeed Soomaaliya, Puntland,wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Ethiopia Dr Tedros Adhanom, Urur goboleedka IGAD, Midowga Africa,danjireyaal, diblomaasiyiin, xubnaha labada gole ee Soomaaliya, wakiilo ka socdey dalka Kenya iyo mas’uuliyiin kale.
—DHAMMAAD-

calemasaar-2 calemasaar-4 calemasaar-5 calemasaar-6

Previous Post

Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Oo Dr Dufle Iyo Dr Dalmar Guddoonsiiyay Shahaadooyin

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Xildhibaan C/sataar Oo Xalay Kormeeray Qeybaha Magaalada Jowhar

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Xildhibaan C/sataar Oo Xalay Kormeeray Qeybaha Magaalada Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Xildhibaan C/sataar Oo Xalay Kormeeray Qeybaha Magaalada Jowhar

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In