Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Sheegayna In Aysan jirin Xukuumad La isku Shaandheynayo “Dhageyso”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo  kulamo  Cadaado kula leh dadka Mudug iyo Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud shir jiraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay ayaa waxa uu kaga hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaaladda dalka oo ay u badanyihiin horumarka dalkeena hooyo uu ku tilaabsanayo iyo halka la hiigsanayo.

Mudane Xasan Xasan Sheekh Madaxweynaha Dalka oo shirka jiraa’id ku soo hadal qaaday xaaladaha amniga dalka, ayaa waxa uu sheegay in horumar badan laga sameeyay haddana amniga meel wanaagsan uu marayo, waxaana uu ku micneeyay qorshaha isku dhafka ciidamada in uu yahay mid muhiim u ah dalka uuna horseedi doono qorshahaasi horumar.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Madaxweynaha oo si faah faahsan kaga hadlayay xaaladda dalka ayaa dhanka siyaasada waxa uu ka yiri “warar dadka ay isla dhexmarayaan oo ah in xukuumadda lakala dirayo ayaa jira taasi maaha mid sax oo wax walbo wanaagaa halaga eego warxumo tashiilka hala joojiyo xukuuamdda way jirtaa wayna jireysaa, way dhici kartaa wasiirkii xilkiisa gudan waayo in xilka laga qaado oo mid xilka ka soo bixi kara lagu badalo”

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay dhanka dhaqaalaha ayaa cadeeyay in dhaqaalaha uu kobcay, waxaana uu xusay in aysan jirin miisaaniyad dhaqaale oo ay dowladu ka hesho beesha caalamka.

“Dowladu waxay ku dadaaleysaa tayeynta shilinka Soomaaliya oo qiimihiisu dhacayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nagala shaqeeyaan soo celinta qiimaha shilinka Soomaaliga iyo tayeyntiisa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay calaaqaadka beesha caalamka ee Soomaaliya  ayaa sheegay in dowladu  ay hagaajisay xiriirka wadamada dunida iyo ururada caalamiga ah taasina sabab ay u noqotay in Soomaaliya ay ka muuqato dunida inteeda kale, waxaana uu tilmaamay in ay qorsheynayaan in ay iska bixiyaa qaaraanka ururada caalamiga ah ee Soomaaliya qeybta ka tahay.

Madaxweynaha oo shirkiisa jiraa’id aad u dheeraa ayaa ugu dambeytii ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay la yimaadaan kalsooni iyo dulqaad taasi oo horseedeysa horumaro kale duwan.

Halkani Ka Dhageyso Shirka Jiraa’id ee Madaxweynaha

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2015/06/Dhagesyo-Codka-Shirja-Jiraaid.mp3
Previous Post

Wasaaradda waxbarshada oo dib u dhigtay waqtiga la qaadayo Imtixaanka

Next Post

Markabkii Waday Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Oo Gaaray Boosaaso

Next Post
Markabkii dowladda u dirtay Yemen oo ku xirtay dekadda Mukallah

Markabkii Waday Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Oo Gaaray Boosaaso

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In