Monday, November 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda waxbarshada oo dib u dhigtay waqtiga la qaadayo Imtixaanka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Xal u helida is maandhaafka u dhaxeeya wasaaradda waxbarashada iyo Daladaha waxbarashada oo kulan laga yeeshay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Imtixaana mideysan ee ay qaadeyso wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya oo lagu waday in uu ka bilowdo caasimada iyo gobolada dalka si isku mid ah  13 bishaan Juun ayaa wasaaradu maanta shaacisay in dib loo dhigay mudo laba bari ah sababo jira awgood .

Wasiir ku xigeeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare mudane Xaamud Cali Xasan oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa waxaa uu ku dhawaaqay dib u dhaca iyo waxyaabaha keeenay.

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025

“Waxaan ogeysiineynaa ardayda sanad dugsiyadeeda 2014 -2015 ka imtixaanka gali lahayd ee lagu balansanaa maalinta sabtida ee bishu 13 tahay Juun in la galo in labo cisho aan ku darnay oo la gali doono bisha 15 keeda maalinta Isniinta ah taasoo ah arimo farsamo awgooda iyo ID yadii oo aan wax ka saxeyno iyo ardada oo nagu soo badatay oo hadda is diiwaan galineysa awgeeed ayaan dib ugu dhignay Marka waxaan dadka ogeysiineynaa in howsheenu noogu noqoto howl dhameestiran  in maalinta isniinta dib loogu dhigo Imtixaanka “ayuu yiri wasiirka.

Wasaarada waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay dhawaanahaanba dadaal ugu jirtayt suura galinta in ardada dhigatay dugsiyada sare ee ku yaala gobolada bartamaha iyo koofurta Soomaaliya laga qaado imtixaan mideysan dhowr iyo labaatan sano ka dib waxaana aad u soo dhaweeyay dadaalka wasaarada qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Dalka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Sheegayna In Aysan jirin Xukuumad La isku Shaandheynayo “Dhageyso”

Next Post
Madaxweynaha oo  kulamo  Cadaado kula leh dadka Mudug iyo Galgaduud

Madaxweynaha Dalka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Sheegayna In Aysan jirin Xukuumad La isku Shaandheynayo "Dhageyso"

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee BFS oo Akhrinta labaad marsiiyay xisaab xirka sanad miisaaniyadeedkii 2024

November 17, 2025
0

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo ka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

November 17, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa xarunta Madaxtooyada Baydhabo kula kulmay Safiirka Midowga Yurub ee...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

November 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa ka qeybgalay Shirka Sannadlaha ah ee looga hadlayo “Ilaalinta...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

November 17, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo laga sameeyay na-waaxiga deegaanka Moora-Gaabeey, oo 37 KM u jirta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In