Monday, May 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dalka Oo Ugu Baaqay Odayaasha Deegaannada Koonfur Galbeed In Ay Ku Dadaalaan Cadaalada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
October 16, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha oo kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Koonfur galbeed-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xili Shalay uu ka hadlayay munaasabad maalinimadii shalay lagu qabtay magaalada Beydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxa uu odayaasha dhaqanka ee deegaanada Maamulka Koonfur galbeed Ee Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi kuna howlan soo xulista xildhibaanada maamulkaasi uu yeelanayo ugu baaqay in ay ku dadaalaan Cadaalada ayna ka fiirsadaan cida ay soo xulayaan.

Madaxweynaha ayaa odayaasha ku adkeeyay in ay hubiyaan shaqsiga ay ku soo darayaan Xildhibaanada Maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ka hor inta aysan soo xulin la tashiyo badana ay ka sameeyaan si uu u noqdo shaqsi ku wanaagsan Dowladnimada daacadna u ah dalka iyo dadka, waxaana ilaah uu ugu baryay in uu u fududeeyo mas’uuliyadaasi culus.

Related posts

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo sii hadlay ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada Dowladnimada ay u leeyihiin haweenka oo uu sheegay in nabada iyo dowladnimada aduunka  lagu cabiro hadba inta haweenka ay kaga jiraan Dowladda, waxaana wax wanaagsan uu ku tilmaamay in haweenka laga qeyb galiyo siyaasadda dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in mar walbo ay ku dadaalaan dib u heshiisiinta isagoo dalbaday in kor loo qaado calanka dib u heshiisiinta ee Cad, taasi uu ku tilmaamay in dalkeena muhiimad gaar uu u leeyahay, waxaana uu xusay in dib u heshiisiinta meel ay ku dhamaataa aysan jirin.

Ujeedada socdaalka madaxweynaha ee shalay beydhaba uu ku tagay ayaa ku qotontay xog wareysi iyo ka talobixinta halka ay marreyso xulista barlamanaka mamaulka Koonfur galbeed.

 

 

Previous Post

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Agaasimayaal La Socda Oo Xalay Casho Sharaf Loogu Sameeyay Khartoum “Sawirro”

Next Post

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subaxnimo Ee Radio Muqdisho

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

GOLAHA SHACABKA OO AKHRINTA KOOWAAD MARSIIYAY AXDIGA AFRIKA EE XUQUUQDA IYO BARAARAHA CARUURTA IYO HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH.

May 19, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 14-aad, waxaana shir...

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Wasiirka Cadaaladda oo Golaha Shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

May 19, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka...

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Taliyaha NISA iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

May 19, 2025
0

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ay wehliyaan Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale...

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Doorasho dadban waxa ay dan u tahay, qof aan ka shaqeyneyn danta dadka iyo dalka Soomaaliyeed.”

May 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo si gaar ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In