Monday, February 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dib u celinta qaxootigeeena Kenya jooga waxay noqon doontaa mid khiyaari ah, si sharaf ay ay ku dheehan tahayna loo fulin doono”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Dib u celinta qaxootigeeena Kenya jooga waxay noqon doontaa mid khiyaari ah, si sharaf ay ay ku dheehan tahayna loo fulin doono”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

unnamed (2)Dhadhaab, 6 June 2016 (Villa Somalia): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya u sheegay in lama huraan ay tahay inay dib dalkooda ugu laabtaan, iyadoo dib u noqoshadoodana la waafajinayo xeerarka caalamiga ee qaxootiga.

Madaxweynaha oo maanta qaxootiga Soomaalida kula hadlayey xeryaha Dhadhaab, ayaa xusay inaaney waxba ka jirin wararka sheegaya in qaxootiga si qasab ah xadka looga tallaabin doono, isla markaana Kenya oo ah dal lagu yaqaano dimoqraadiyadda iyo ku dhaqanka sharciga aaney ka suuroobin inay fal noocaasi oo kale ah ku dhaqmaan.

Related posts

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

February 16, 2026
Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta halkan idin ku soo booqdo. Kenya waxaan uga mahad-celinayaa soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u sameysey boqolaal kun oo shacab Soomaaliyeed ah oo dalkooda dhibaato ka jirtey ka soo cararey. Maanta dalkeenii xaaladda way ka soo reyneysaa, waxaana lama huraan ah inaad dib waddanka ugu soo laabataan. Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR horey waxaa u dhexmarey heshiis ku saabsan dib u laabashadiina, waana khiyaari ee ma jirto ruux la qasbi doono’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddooyinkan dambe ku jirtey inay degmooyinka u suurageliso inay yeeshaan adeegyada aasaasiga ee nolosha.

“Markii aan xafiiska qabtey muddo haatan laga joogo afar sanno, waxaan dejiney siyaasad aan ilaa 72 degmo oo u badan koonfuurta dalka uga hirgelineyno adeegyada aasaasiga ee nolosha. Taasina waxay idin tuseysaa inaan mar walba idin ka war hayno, aanna sugeyno inaad inoo soo laabataan. Soomaaliya dib ayay u soo kabaneysaa, soo laabashadiinana waxay dunida u muujin doontaa in xasilooni ay ka jirto dalka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada wax ku bartey xeryahan iyo machadyada kala duwan ee Kenya, aqoontooda looga baahan yahay dalka, si ay dib u dhiska qeyb uga qaataan.

“Waxaan mar kale u mahad-celinayaa dowladda Kenya, shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, Hay’adda UNHCR iyo hay’adaha kale ee caalamiga ee gacanta weyn ka geysanayey daryeelka shacabkeena halkan magangelyada u soo doontey. Kenya waxay muujisey dulqaad iyo karti dheeri ah, waxayna inoo gashey abaal, mahad-celinna way naga mudan tahay. Waa in meesha laga saaraa dacaayadaha rakhiiska ah ee warbaahinta ay faafinayaan ee shatafta dalkan aan walaalaha nahay lagu waxyeeleynayo’.

Waxaa uu Madaxweynaha kula dardaarmey qaxootiga inay dhowraan sharciga dalka ay martida u yihiin u yaalla, isagoo dhanka kalena ka mahad-celiyay fursadaha ay Kenya siisay ganacsatada Soomaalida, oo iyaguna ka mid noqdey dadka canshuuraha bixiya, horumarka waddanka ay martida u yihiinna kaalin weyn ka geysta.

Khudbaddiisa ka hor, Madaxweynaha waxaa warbixin ka dhegeystey , Wasiirka Amniga Kenya, Joseph Ole Nkaissery, wakiilo ka socday qaxootiga iyo xubno kale.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9)  unnamed (11) unnamed

 

Previous Post

Gudiga Maaliyadda Baarlamanka oo aqoon isweydaarsi uga furmay Nairobi+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲𝐚𝐲 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐛𝐮𝐥𝐚𝐚𝐜𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 (𝐃𝐫𝐚𝐢𝐧𝐚𝐠𝐞 𝐬𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦) 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Aadan Cadde oo la qabtay.

February 16, 2026
0

Shirka waxaa shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Gaadiidka iyo Duulista hawada XFS Mudane Cumar Cali Afrax, waxaana ku wehlinayay Maareeyaha...

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

Munaasabad Lagu Soo Dhaweeyay Danjire Elyaas Barre Shiil oo Ka Dhacday Nairobi

February 16, 2026
0

Magaalada Nairobi ayaa lagu qabtay munaasabad mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jirta oo loo sameeyay Danjire Elyaas Barre Shiil, kaddib...

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Dil Toogasho ah

February 16, 2026
0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay laba dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.  ...

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay dhagar-qabayaal ka tirsan Khawaarijta

February 15, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa caawa fiidkii dilay afar (4) dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In