Thursday, July 3, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dib u celinta qaxootigeeena Kenya jooga waxay noqon doontaa mid khiyaari ah, si sharaf ay ay ku dheehan tahayna loo fulin doono”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
June 6, 2016
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha: “Dib u celinta qaxootigeeena Kenya jooga waxay noqon doontaa mid khiyaari ah, si sharaf ay ay ku dheehan tahayna loo fulin doono”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

unnamed (2)Dhadhaab, 6 June 2016 (Villa Somalia): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya u sheegay in lama huraan ay tahay inay dib dalkooda ugu laabtaan, iyadoo dib u noqoshadoodana la waafajinayo xeerarka caalamiga ee qaxootiga.

Madaxweynaha oo maanta qaxootiga Soomaalida kula hadlayey xeryaha Dhadhaab, ayaa xusay inaaney waxba ka jirin wararka sheegaya in qaxootiga si qasab ah xadka looga tallaabin doono, isla markaana Kenya oo ah dal lagu yaqaano dimoqraadiyadda iyo ku dhaqanka sharciga aaney ka suuroobin inay fal noocaasi oo kale ah ku dhaqmaan.

Related posts

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta halkan idin ku soo booqdo. Kenya waxaan uga mahad-celinayaa soo dhoweynta qiimaha leh ee ay u sameysey boqolaal kun oo shacab Soomaaliyeed ah oo dalkooda dhibaato ka jirtey ka soo cararey. Maanta dalkeenii xaaladda way ka soo reyneysaa, waxaana lama huraan ah inaad dib waddanka ugu soo laabataan. Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR horey waxaa u dhexmarey heshiis ku saabsan dib u laabashadiina, waana khiyaari ee ma jirto ruux la qasbi doono’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in dowladda Soomaaliya ay muddooyinkan dambe ku jirtey inay degmooyinka u suurageliso inay yeeshaan adeegyada aasaasiga ee nolosha.

“Markii aan xafiiska qabtey muddo haatan laga joogo afar sanno, waxaan dejiney siyaasad aan ilaa 72 degmo oo u badan koonfuurta dalka uga hirgelineyno adeegyada aasaasiga ee nolosha. Taasina waxay idin tuseysaa inaan mar walba idin ka war hayno, aanna sugeyno inaad inoo soo laabataan. Soomaaliya dib ayay u soo kabaneysaa, soo laabashadiinana waxay dunida u muujin doontaa in xasilooni ay ka jirto dalka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhalinyarada wax ku bartey xeryahan iyo machadyada kala duwan ee Kenya, aqoontooda looga baahan yahay dalka, si ay dib u dhiska qeyb uga qaataan.

“Waxaan mar kale u mahad-celinayaa dowladda Kenya, shacabka ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, Hay’adda UNHCR iyo hay’adaha kale ee caalamiga ee gacanta weyn ka geysanayey daryeelka shacabkeena halkan magangelyada u soo doontey. Kenya waxay muujisey dulqaad iyo karti dheeri ah, waxayna inoo gashey abaal, mahad-celinna way naga mudan tahay. Waa in meesha laga saaraa dacaayadaha rakhiiska ah ee warbaahinta ay faafinayaan ee shatafta dalkan aan walaalaha nahay lagu waxyeeleynayo’.

Waxaa uu Madaxweynaha kula dardaarmey qaxootiga inay dhowraan sharciga dalka ay martida u yihiin u yaalla, isagoo dhanka kalena ka mahad-celiyay fursadaha ay Kenya siisay ganacsatada Soomaalida, oo iyaguna ka mid noqdey dadka canshuuraha bixiya, horumarka waddanka ay martida u yihiinna kaalin weyn ka geysta.

Khudbaddiisa ka hor, Madaxweynaha waxaa warbixin ka dhegeystey , Wasiirka Amniga Kenya, Joseph Ole Nkaissery, wakiilo ka socday qaxootiga iyo xubno kale.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9)  unnamed (11) unnamed

 

Previous Post

Gudiga Maaliyadda Baarlamanka oo aqoon isweydaarsi uga furmay Nairobi+Sawirro

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

Mareykanka oo bogaadiyay in Soomaaliya ay qalab casri ah dhigtay Xuduudaha dalka.

July 2, 2025
0

Bayaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u...

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo kulan doceed kula yeeshay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee QM

July 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Sevilla ee uu ka...

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

NISA oo kaashanaysa Ciidamada deegaanka oo howlgallo ka fuliyay deegaanno hoostaga Moqokori

July 2, 2025
0

 Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan la qaatay Xoghaya Guddiga Dhaqaalaha QM ee u qaabilsan Afrika

July 2, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ka qeyb galaya Shirweynaha 4-aad ee Horumarinta Maalgashiga Qaramada Midoobay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In