Sunday, November 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dhagax dhigay Isbitaalka Qardho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo dhagax dhigay Isbitaalka Qardho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 20 October 2017 booqasho ugu soo ambabaxay magaalada Qardho.

Madaxweynaha Puntland iyo weftiga uu hogaaminayey oo kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ayaa kormeero kusoo maray dhammaan kaantaroolada inta u dhexaysa Boosaaso iyo Qardho, waxaana uu halkaasi kula kulmay ciidamada ka hawlgala goobahaasi, isagoo ka xog waraystay xaaladdooda guud, amni iyo midda gaarka u ahba, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay in markasta xasuusnadaan shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 21-ka November

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 21-ka November

November 21, 2026
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika

November 21, 2026

Sidoo kale Mudane Cabdiweli Gaas ayaa kormeeray dhismaha wadada ceel-daahir – ceerigaabo oo dhismeheedo meel wanaagsan marayo, waxaana isaga iyo weftiga uu hogaaminayey kormeerkooda ku gaareen  5km oo dhanka galbeed ka xigta magaalada Ceel-daahir oo iyadu ah goobta laga bilaabay wadada, 55km ayaa waddada loo dhamaystiray caro-tuur iyo jayba, 15km oo kamid ahna isbuucan gudihiisa ayaa la dhigi doonaa caro-tuurka iyo jaygaba, guud ahaan wadada inta lagashaqeeyey ayaa ah 70km.

Madaxweynaha Puntland oo safarkiisa sii wata ayaa waxa uu kulan la qaatay waxgaradka magaalada Carmo, waxaana ay uga xog warameen xaaladda amni iyo horumarba ee magaalada, isagoo ku booriyey waxgaradkaasi inay ka shaqeeyaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka magaalada, isla mar’ahaantaana ay ku dedaalaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen xasiloonida iyo kala danbaynta dhammaan degaanada hoosyimaada magaaladaasi.

Mudane Cabdiweli Gaas iyo weftiga u hogaaminayey ayaa markii ay soo gaareen degmada Qardho waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, taliska qaybta gobolka, Nabadoono, Waxgarad, Siyasiyiin iyo Qaar kamid ah shacabka magaalada Qardho.

Dhinaca kale, Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha Puntland ayaa dhagax dhigay cisbitaalka weyn ee Degmada Qardho, kaas oo dib loo casriyan doono loona balaarin doono qayb ka mid ah cisbitaalka oo la dhisay sanaddii 1960-kii, waxaana uu Mudane Gaas Xusay in dhanka caafimaadka uu gobolka aad uga wanaagsan yahay hadana loo baahan yahay in markasta kor looqaado, lagana sii wanaajiyo meesha uu hadda joogo.

“Sharaf-weyn bay ii tahay inaanu dhagax dhigno balaarinta cisbitaalka oo  baahi weyn loo qabo, adeega caafimaad ee Gobolka runtii  aad buu u wanaagsan yahay, haddana waxaan rabnaa intaas inuu kasii fiicnaado, kasii wanaagsanaado, maamulka cisbitaalka, maamulka caafimaad ee gobolka  shaqo fiican bay qabteen waana ku amaanaynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“Dhismaha Cisbitaalka waxaa iska kaashan doona dawladda Puntland, dadweynaha iyo maamulka gobolka, waxaan rajaynaynaa inaanu helno cisbitaal wanaagsan, waxaan rajaynaya inuu ku dhammaado wakhti aan dheerayn, adeega caafimaad ee uu u hayo gobolka iyo degmadaba uu horumaro ayaan rajaynayaa” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland.

 

=DHAMMAAD=

Previous Post

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin dheeri ah ka bixisay qarixii ka dhacay Soobe.

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin dheeri ah ka bixisay qarixii ka dhacay Soobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 21-ka November

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo macalimiinta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 21-ka November

November 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa hambalyo iyo bogaadin ku aadan munaasabadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada Waqooyiga Yurub iyo Afrika

November 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa ka qayb galay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo yeeshay kulan looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal

November 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa kulan laba geesood ah magaalada Oslo...

Safaaradda Jabuuti oo ka hadashay dhacdadii garoonka Beledweyne

Safaaradda Jabuuti oo ka hadashay dhacdadii garoonka Beledweyne

November 21, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay dhacdadii duhurnimadii 19-kii Nofeembar ka dhacday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In