Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa kasoo saaray wareegto.
Markuu arkay : Dastuurka Dawlad goboleedka Puntland.
Makuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo
Markuu la tashtay: Madaxweyne kuxigeenka Dawlad goboleedka Puntland.
Wuxuu xeeriyey:-
- Waxaa Cabdiraxmaan Barkhad Warsame Wasiirka, loo magcaabay Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
- Waxaa Cabdikhadar Faarax Shaaciye loo magcaabay Wasiirka Dib Udhiska Iyo Horumarinta Puntland.
- Waxaa Maxamuud Faarax Beeldaaje loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.
- Waxaa Yaasiin Cabdi Seed loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
- Waxaa Cabdirashiid Cali Geele loo magcaabay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Amniga
- Waxaa Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
- Waxaa Cabdifataax Xasan Xuseen (Waloore) loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka.
- Waxaa Aamina Maxamed Cabdulaahi loo magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
- Waxaa Cabdiweli Maxamed Yuusuf loo magcaabay Wasiir ku xiogeenka Wasaaradda Hawlaha Guud.