Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: ‘’Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si buuxda ayay u garab taagan tahay Puntland dagaalka ay kula jirto argagixisada Al Shabaab’’

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dagaalka ay kooxda argagixisada Al Shabaab ka hurineyso degaanka dowlad goboleedka Puntland uu qeyb ka yahay barnaamijka ururkaasi ugu jiro waxyeeleynta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo maanta hadal ka jeedinayey kulan lagu daah-furayey hannaanka dhismaha maamullada dowladaha hoose oo ka dhacay Muqdisho, ayaa sheegay in qalalaasaha ay Al Shabaab isku dayeyso inay ka dhaliso Puntland aanay ka duwaneyn waxa ay ka wadaan qeybaha kale ee dalka.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

“Al Shabaab waa koox naf la caari ah oo dooneysa inay goobo cusub oo ay ku dhuumaleysato ka sameysato degaanka Puntland, tallaabadaasina waa mid ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya si weyn uga soo horjeeddo, sidaa darteedna waxaan garab taaganahay shacabka iyo maamulka degaankaasi, dagaalka ay kula jiraan kooxdan argagixisada ah. Dowladda dhexe iyo maamulka Puntland si dhow ayay uga wada shaqeynayaan sidii kooxdaasi aan marnaba loogu oggolaan inay carqaladeeyaan nabadda muddada dheer ka jirtay degaannadaasi’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shacabka degaannnada Puntland sida ay ugu midoobeen dagaalka looga soo horjeedo cadowga ummadda Soomaaliyeed, oo uu sheegay in laga adkaan doono.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha sheegay xusay in dagaalka kooxda Al Shabaab looga soo horjeedo ee dalka intiisa kale ka socda uu weli halkiisii ka sii socon doono ilamaa laga gaaro hadafka laga leeyahay ee ah in kooxdaasi gebi ahaanba dalka laga tirtiro.

“Guud ahaan qorshaha dowladda waxaa uu yahay in Al Shabaab oo khatar ku ah nabadgelyada dalka, tan gobolka iyo midda caalamka, gebi ahaanba laga ciribtiro Soomaaliya, dhowaan ayaana rajeynayaa in qorshahaasi uu inoo hirgalo Insha Allah’’.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in isku dayga Al Shabaab ku dooneysao inay goobo cusub colaado kaga abuurto ay digniin u tahay shacabka Soomaaliyeed, lana doonayo in shacabku ogaado in kooxdani aysan ku koobneyn dhul iyo degaan gaar ah, ujeedkoduna uu yahay inay la diriraan ilbaxnimada, kana been sheegaan diinteena Islaamka ee xaniifka ah.

Previous Post

Madaxweynaha: “Suuragal ma ahan in la helo nabad iyo xasilooni buuxda haddii aanu maamul jirin”+Sawirro

Next Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In