Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dowladda waxay dhiirigelineysaa nidaamka ganacsiga xorta ah, ganacsatadana waxaa looga fadhiyaa inay canshuurta bixiyaan si waddanku uu horumar u gaaro’’ “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Dowladda waxay dhiirigelineysaa nidaamka ganacsiga xorta ah, ganacsatadana waxaa looga fadhiyaa inay canshuurta bixiyaan si waddanku uu horumar u gaaro’’ “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026

“Waddankan inagaa ayaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana inaga ayaa la inooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna waxay qeyb ahaan fulisey baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddanka si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii nagu habsatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in wax walba ay ku qurxoon yihiin marka nidaam loo sameeyo, lagama maarmaanna ay tahay in ganacsigeena uu noqdo mid sharciga waafaqsan.

“Ganacsiga waddankeena waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaanqaada ganacsiga kale ee caalamka. Waad aragtaan in ganacsatadeena ay hanti badan geliyeen dalalka shisheeye , iyagoo taas sabab uga dhigaya jiritaanka nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambeeyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maalgashi ka yimaada dibedda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida’’.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soomaalida inay horseed ka noqdaan maalgashiga lagu sameynayo waddankooda, si ay horumar u gaaraan.

“Waan dhiirigelinayaa ganacsiga xorta ah. Ganacsatada Soomaalida ee waddankooda maalgashanayaa aad baan u bogaadinayaa, balse waa inaaney ilaabin waajibka kale ee ka saaran bixinta canshuurta si loo dedejiyo dib u dhiska dalka, iyadoo laga duulayo duruufta gaarka ah ee dalkeena haysta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey hay’adaha dowliga ee ku shaqada leh in la dardar-geliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee suuqyadeena lagu iibiyo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgaley hadalona ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, iyo madaxda shirkadda Somali Fuel Company.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha iyo wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya oo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Shirar Talynaaniga Iyo Nairobi Uu Kula Soo qaatay Hey’addo “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Shirar Talynaaniga Iyo Nairobi Uu Kula Soo qaatay Hey’addo “Sawirro”

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Shirar Talynaaniga Iyo Nairobi Uu Kula Soo qaatay Hey’addo “Sawirro”

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

Wasiirrada Ganacsiga Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Qatar.

January 28, 2026
0

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan, oo booqasho ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In