Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Dowladda waxay dhiirigelineysaa nidaamka ganacsiga xorta ah, ganacsatadana waxaa looga fadhiyaa inay canshuurta bixiyaan si waddanku uu horumar u gaaro’’ “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Dowladda waxay dhiirigelineysaa nidaamka ganacsiga xorta ah, ganacsatadana waxaa looga fadhiyaa inay canshuurta bixiyaan si waddanku uu horumar u gaaro’’ “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 7 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waddankan inagaa ayaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana inaga ayaa la inooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna waxay qeyb ahaan fulisey baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddanka si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii nagu habsatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in wax walba ay ku qurxoon yihiin marka nidaam loo sameeyo, lagama maarmaanna ay tahay in ganacsigeena uu noqdo mid sharciga waafaqsan.

“Ganacsiga waddankeena waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaanqaada ganacsiga kale ee caalamka. Waad aragtaan in ganacsatadeena ay hanti badan geliyeen dalalka shisheeye , iyagoo taas sabab uga dhigaya jiritaanka nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambeeyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maalgashi ka yimaada dibedda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida’’.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soomaalida inay horseed ka noqdaan maalgashiga lagu sameynayo waddankooda, si ay horumar u gaaraan.

“Waan dhiirigelinayaa ganacsiga xorta ah. Ganacsatada Soomaalida ee waddankooda maalgashanayaa aad baan u bogaadinayaa, balse waa inaaney ilaabin waajibka kale ee ka saaran bixinta canshuurta si loo dedejiyo dib u dhiska dalka, iyadoo laga duulayo duruufta gaarka ah ee dalkeena haysta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey hay’adaha dowliga ee ku shaqada leh in la dardar-geliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee suuqyadeena lagu iibiyo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgaley hadalona ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, iyo madaxda shirkadda Somali Fuel Company.

—DHAMMAAD—

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed

Previous Post

Madaxweynaha iyo wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya oo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal “Sawirro”

Next Post

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Shirar Talynaaniga Iyo Nairobi Uu Kula Soo qaatay Hey’addo “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Kalluumeysiga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Shirar Talynaaniga Iyo Nairobi Uu Kula Soo qaatay Hey’addo “Sawirro”

Wasiirka Kalluumeysiga Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Shirar Talynaaniga Iyo Nairobi Uu Kula Soo qaatay Hey’addo “Sawirro”

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In