Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay Sacuudiga

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho ku tagay Sacuudiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Emmnanuel Macron,madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay inuu ahmiyad siin doono deganaashaha Lubnaan ka dib markii booqasho aan horay loo sii shaacin uga bilaabatay dalka Sacuudiga.

Booqasgada madaxweynaha Faransiiska uu ku tagay dalka Sacuudiga ayaa ku soo aadeysa xilli  uu Sabtidii is casilay ra’iisulwasaarihii Lubnaan Saad Hariri isaga oo ku sugnaa magaalada Riyadh, isaga oo sheegay in uu naftiisa u baqay.

Related posts

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025

Dowladda Sacuudiga oo lagu eedeeyay iney cadaadis saartay Ra’iisal wasaarihii is casilay ee Mar Xariiri ayaa iska fogeysay kuna eedeysay.islamarkaana shaacisay iney  arintaasi wax lug ah ku lahayn.

Macron ayaa sidoo kale sheegay in uu hogaamiyeyaasha Sacuudiga kala hadli doono dhibaatada Yemen ka taagan, ka dib markii xulafada uu Sucuudigu hogaaminayo ay xireen dhammaan marinnadii galayay dalkaas dagaallada la daalaa dhacaya.

Go’doominta ayaa dalka Yemen la saaray Isniintii ka dib markii gantaal laga soo riday lagu bartilmaameedsaday magaalada Riyadh. Waxaa la sheegay in gantaalka lagu qabtay meel u dhaw caasimadda Sacuudiga.

Sacuudi Carabiya ayaa gantaalka ku eedaysay malayshiyada ay Iiraan taageerto ee Xisbullah.

Dad badan oo reer Lubnaaan ahna waxay ka cabsi qabaan in dalkooda uu soo wajahay dagaal gudo wayn oo ay ku lug leeyihiin Sacuudiga oo ah dalka ugu tunka wayn dalalka Suniga ah iyo Iiraan oo Shiicada hogaamisa ahna dalka ugu wayn ee ay Sacuudiga isku hayaan gobolka.

Dowladda Sacuudi Arabia ayaa khamiistii shalay u sheegtay muwaadiniinteeda ku sugan dalka Lubnaan iney sida ugu dhaqsiyaha uga soo baxaan dalkaasi ka dib markii la arkay cabsi dhanka amniga ah.

Previous Post

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Dhageyso Barnaamijka Kulanka Todobaadka

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In