Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Farmaajo oo Bogaadiyey Dadaallada Xukuumadda ee Awood Siinta Ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO “

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Farmaajo oo Bogaadiyey Dadaallada Xukuumadda ee Awood Siinta Ganacsatada Soomaaliyeed “SAWIRRO “
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey in awood-siinta ganacsatada Soomaaliyeed iyo xaqiijinta suuqyo heer gobol ah oo loo iib geeyo waxsoosaarka dalkeenna ay kor uqaadeyso dhaqaalaha dalka, fursadaha shaqaaleysiinta dhallinyarada iyo heer nololeedka shacabkeenna.

Madaxweynaha oo warbixin ka dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame, Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in ganacsiga kala dhexeeya dalkeenna dalalka dariska uu ku saleysan yahay isu dheellitirnaan iyo waxwada qabsi , iyada oo ganacsatada Soomaaliyeed ay helayaan dheef-dhaqaale oo u dhiganta tan dhiggooda badeecadaha keensada dalka.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Maamulaha Shirkadda dhoofisay Kalluunka maanta loo iib geeyey Itoobiya ee qeybta ka ah is-dhaafsiga dhaqaale ee Labada dal Mudane Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo kulanka ka qeyb galay ayaa uga mahadceliyey Madaxda dalka mudnaanta ay siinayaan xal u helista caqabadaha ku xeeran ganacsatada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso suuq-geynta heer gobol iyo jaangooynta fursadaha.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Mudane Cabdullahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Durraan Axmed Faarax ayaa sheegay in fursadaha iskaashiga ganacsi ee dalalka dariska ah ay barbar socdaan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, isu dheellitirka ganacsiga aan la wadaagno dalalka dariska ah iyo xoojinta wax-soosaarka, taas oo suurta gelinaysa in dalagyada iyo wax-soosaarka dalka ay ka muuqdaan suuqyada dalalka Gobolka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey suuqa ganacsi ee u soo kordhay kalluumaysatada Soomaaliyeed, waxa uuna xaqiijiyey in la joogo waqtigii aynu kula tartami lahayn dalalka gobolka waxsoosaarka gudaha  dalkeenna.

Previous Post

Xulka Soomaaliya oo caawa laga badiyay

Next Post

Doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilaawday dalka Itoobiya.

Next Post
Doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilaawday dalka Itoobiya.

Doorashooyinka Baarlamaanka oo maanta ka bilaawday dalka Itoobiya.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In