Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: Fursadaha u furan Al-Shabaab kuma koobna in ay kala doorataan noocyada argagixisada.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha “Baarlamanku waa inuu dedejiyaa meel marinta sharciyada muhiimka u ah waddanka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta soo saarey farriin ku socota xubnaha ururka Al Shabaab.

“Waxaan si dhow ula soconaa khilaafka aan qarsooneyn ee soo kala dhex galey xubnaha ururka Al Shabaab ee ku saabsan in ay daacad u noqdaan Al Qaacida ama Daacish (ISIL) oo aan dhihi karo magacooda rasmiga waa ‘’kuwii wax burburinayey’’.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

“Xaqiiqdii, labadan kooxood ee Daacish iyo Al Qaacida waxay u taagan yihiin hawshooduna ay tahay in ay wax burburiyaan. Waxay labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, mana kala soocaan dadka ay dhibaateynayaan, amaba wax u geysanayaan: Waxay dilaan dadka Muslimiinta ah ee ka soo horjeeda nidaamkooda khaldan, waxay sidoo kale dilaan dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda diimaha kale. Waxay labaduba cabburiyaan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, sida xuquuqda waxbarashada ee wiilasha iyo gabdhaha, iyo weliba xuquuqda dumarka. Waxaa dhammaantood ka go’an wax burburinta, sida dadka, qoysaska iyo weliba waddankeena. Waxa keliya ee ka go’an waa wax burburin, sidaa darted magaca Daacish waa mid si gaar ah ugu habboon falalka gurracan ee ay ku jiraan’’, ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si kulul u naqdiyey sida khaldan ee argagixisadu ay u adeegsanayaan magaca diinta Islaamka.

“Fikirka argagixisadu waa mid mar walba laba lagu saleeyo sida sax iyo khalad, waxa san iyo waxa xun, innaga iyo iyaga iwm. Waxay sheegtaan in ay ku jiraan dagaal ay doonayaan in ay ku soo dhisaan xukuumad barakeysan oo Islaami ah oo khaliifyo ay ka taliyaan, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in aaney jirin wax barakeysan oo meesha ay ku hayaan oo la xiriira hab dhaqankooda iyo ujeedka ay sheeganayaan’’.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah farriin ugu direy ururka argagixisada Al Shabaab ee Soomaaliya.

“Ha u maleynina in fursadaha idin bannaan ay ku kooban yihiin oo keliya in aad daacad u noqotaan Al Qaacida ama Daacish si ay idinku noqdaan madax maqaar saar ah. Waxaa jirta fursad kale oo taas ka wanaagsan, taas oo ah mid sax ah oo barakeysan: waa waddada nabadda’’.

“Khilaafkan ka dhex aloosan Al Shabaab waxaa uu astaan u yahay koox mar hore ay jihadu ka luntey, isla markaana weli ku dheggan fikir khaldan iyo xulasho aan sax ahayn oo mustaqbalkooda la xiriirta. Ma dooneyno nooc cusub oo cabsi iyo cabburin lagu beerayo Soomaaliya. Soomaaliya wey ku soo daashay khasaaraha ka soo gaaray noocyada argagixisada ’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

“Sidii aan horey u sheegnay, isla markaana aan mar walba ku celcelin doono inta aad weli jirtaan, waxaan mar kale idiin sheegayaa haddii aad dareemeysaan in aad lahaysteyaal u tihiin argagixisada, isla markaana aad ka fikireysaan fursad taa ka duwan, waxaa idin furan in aad dowladda u soo gacan haatisaan. Meel kasta, goob kasta iyo sida ugu macquulsan ee suura-galka ah ayaad nagula soo xiriiri kartaan. Waxaa diyaar idiin ah oo idiin furan dhegaheenna iyo gacan wax idiin qaban doonta. Dowladdu waxay si buuxda u damaanad qaadeysaa nabadgelyadiinna iyo bedqabkiina. Shuruudda keliya ee aan dooneyno in aad fulisaan waxay tahay in aad diiddaan ama aad dhinac iska dhigtaan Al Shabaab iyo fikirka ay ku dhaqmaan ee ku saleysan dagaalka iyo colaadda. Keli ma noqon doontaan. Boqollaal ayaa doortay waddadan. Boqollaal ayaa doortey nabad iyo mustaqbal: waxay bartaan xirfado cusub, waxay soo saartaan nolol maalmeed xalaal ah, qeybna waxay ka yihiin dib u dhiska Soomaaliya’’.

“Aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxan idinku boorrinayaa in aad doorataan waddada nabadda’’.

Previous Post

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka oo ka soo laabtay Tanzania

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo gaar gaar ah la qaatay bulshada Galkacyo “Sawiro”

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo kulamo gaar gaar ah la qaatay bulshada Galkacyo “Sawiro”

Madaxweynaha Galmudug oo kulamo gaar gaar ah la qaatay bulshada Galkacyo "Sawiro"

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In