Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug Mudane Xaaf oo Gaalkacyo ka furay Gogol Nabadeed+(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta Magaalada Gaalkacyo si rasmi ah loogu daah-furay shir hor-dhac u ah hishiis rasmi ah oo u dhaxeeya bulshada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Gogoshaan Nabadeed ee la dhigay koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo muddo 2 maalmood ah ku sugnaa magaalada Gaalkacyo.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Waxaana gogoshan fidiyay Talyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas C/wali Jaamac Gorod oo kaashanaya Taliyaha Guud ee ciidanka difaaca Puntland Sareeye Guuto General Siciid Maxamed Raage (Siciid Dheere) iyo saraakiil ka tirsan hoggaanka Taliska Xoogga Dalka, iyadoo ay kaalin wayn is-afgaradkaan ay ka qaateen xildhibaanno heer federaal ah.

Madaxwayne Xaaf oo khud-bad dheer ka jeediyay madasha ayaa yiri

โ€œDhulka lagu dagaalayo waxaa ka dhiseynaa guryo, ma jiri karta dhul la isku qabsado iyo sabab ay dadka Gaalkacyo isku dagaalaan, annigu waxaan 50 sano ka hor wax ku bartay, kuna barbaaray Gaalkacyo qaybta Waqooyiga, waa caqli xummo wayn iyadoo dhulkii uu yahay mid Soomaali oo dhan ka badan haddana in maalin kasta ay boqolaal qof ku dhintaan wado laami ah, iyo daaqsin, waxaan talo kusoojeedin lahaa in shacabka Puntland ay soo dagaan dhulka Galmdug, Kuwa Galmdug-na ay dagaan dhanka Puntlandโ€ayuu yiri Xaaf

Gogashaan Nabadeed ee maanta la dhigay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kasoo qayb-qaatay oo madasha xaadir ku ahaa 2da Guddoomiye, 2da Maayir, Waxgaradka, Iyo cuqaasha dhinacyada koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Talyaha Guud ee CXD Sareeyo Gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa isagoo ka hadlaya shirka waxaa uu yiri

โ€œInta aan Madaxwayne Farmaajo ii magacaabin xilkaan ayaan ka shaqaynayay nabadaynta gobolka Mudug, gaar ahaan Gaalkacyo, illaahay baan idinku dhaarshee rabbigiin cafis waydiista, aduunkiina waad ka harteen, aakhirana ma aydiin gaarinโ€

Shirka waxaa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Md. Sonkor Jaamac Gayre, Talyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Puntland Generaal Siciid Dheere, Sariikha Hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka, Iyo cuqaasha labada dhinac, waxaana dhammaantood isku raaceen in ay diyaar u yihiin Gaalkacyo in ay noqoto meel nabad ah, dhinac kasta waxaa ay xaqiijiyeen in Nabadda Gaalkacyo aysan wax sharuud ah ku xiraynin.

Maalinta barri ah ayaa la filayaa in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu si rasmi ah ugu dhawaaqo Guddi isku dhaf ah oo ka duwan guddiyadii horey loo magacaabi jiray, iyadoo sidoo kalena la filayo isla maalinta birriya in meesha laga saaro ciidamada is-hor fadhiya, iyo xaduudaha ay samaysteen Galmudug iyo Puntland.

Previous Post

Dowladda Federaalka oo xoojineysa isla-xisaabtanka Ciidanka XDS

Next Post

Xubnaha Jamhuuriga oo si aqlabiyad ah ansaxiyay xeerka canshuuraha

Next Post
Xubnaha Jamhuuriga oo si aqlabiyad ah ansaxiyay xeerka canshuuraha

Xubnaha Jamhuuriga oo si aqlabiyad ah ansaxiyay xeerka canshuuraha

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐‰๐…๐’  ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In