Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo dhameystiray heshiiska beelaha dega Xeeraale iyo Huurshe+Sawirro

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo dhameystiray heshiiska beelaha dega Xeeraale iyo Huurshe+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Gudiga Dibu-heshiisiinta iyo Xubno kamid ah labada Gole ee Galmudug ayaa maanta gaaray magaalooyinka Xeraale iyo Huurshe si loo dhamaystiro Gogoshii nabadadda ee uu horay ugu furay beelaha walaalaha ee wada daga Xeraale iyo Huurshe Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federalka Soomaaliya.

Socdaalkan oo ahaa midkii ugu horreeyey oo Madaxweynuhu ku tago meel ka baxsan Caasimadda Galmudug tan iyo markii la doortay ayaa Magaalooyinka Huurshe iyo Xeraale waxaa loogu soo dhaweeyay si diiran.

Related posts

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026

Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdigiisa ayaa kulamo kala duwan oo Huurshe iyo Xeraale ay kula yeeshen waxgaradka labada dhinac kadib waxaa ay dhinacyadu wadajir u aqbaleen dhameystirka heshiiska nabadda.

Guddiga dib u heshiista Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ehelada iyo qoysaska dadkoodii ku waayay dagaaladii Xeraale ku wareejiyey lacag samirsiin ah, taas oo qayb ka ahayd balanqaadyadii xukuumadda federaalka Soomaaliya ay usamaysay.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-qoor ayaa ugu baaqay dhinacyadaan maanta la dhamaystiray heshiiskooda in ay ka dhabeeyaan balan qaadkooda si ay ugu wada noolaadan nabad.

  Baaq Nabadeed Press Statement -April 4-2020 Somali – Final

Previous Post

Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka XFS oo cambaareysay kufsi loo geystay carruur

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho.

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

Minister of Defence Concludes Training of Gorgor Special Forces at TurKSom Academy

January 7, 2026
0

The Minister of Defence, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, today officially concluded a military training programme for units of the Gorgor...

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo ku guuleysatay siidaynta Muwaadiniin ku xanibnaa dalkaas

January 7, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Yemen oo ku guulaysatay siidaynta Muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo 4 maalin ah ku xayirnaa xeebaha Dalka...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor

January 7, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Gorgor ee...

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

Diiwaangelinta doorashooyinka qof iyo codka ah ee degmada Gaalkacyo oo maanta soo gabagabowday.

January 7, 2026
0

Diiwaangelinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah maanta u soo gabagabowday, iyadoo bulshada degmada ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In