Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug iyo wafdigiisa oo ka kooban xubno ka tirsan labada gole ee Galmudug ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), goloyaasha dowladda, maamulka Baydhabo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.