Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xaaladda ammaan ee deegaannada Galmudug “Dhageyso Shirka Jaraa’id”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xaaladda ammaan ee deegaannada Galmudug “Dhageyso Shirka Jaraa’id”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shir jaaraa’id oo uu maanta qabtay uga hadlay xaaladda ammaan ee deegaanada Galmudug iyo dhaqdhaqaayada ay maleeshiyaadka Shabaab ka wadaan deegaanno ka mid ah Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa xusay in maleeshiyaadka Shabaab ay isku urursanayaan degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo uu sheegay iney ka jareen isgaarsiinta, isagoo tilmaamay iney heegan geliyeen ciidamada Galmudug ayna ka hortagayaan maleeshiyaadkaasi.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Dareen aad u weyn ayaan ka muujinay deminta isgaarsiinta degmooyinkaasi iyo is urursiga ay deeganadaasi ka wadaan, taasoo dhiillo xambaarsan, anagana xooggaga yaga heegan culus ayaan gelinay, hadana waxaa nasiib darro ah in weerar dhinaca badda ah ay ku qaadeen dowlad goboleedka Puntland oo ah mid aan deris nahahay, saaxiibbo nahay walaalana nahay, aad iyo aad ayaan uga xunnahay weerarkaasi isaga ah, anagana hadaan nahay Galmudug waxaan diyaar u nahay in walaalaheena Puntland an iskaashi buuxa kala yeelanno la dagaallanka sharwadaayasha Alshabaab” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland uu la hadlay kaddibna ay isku afgarteen in lagama maarmaan uu yahay iney iskaashi ka yeeshaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee ku duulay deegaanno ka tirsan Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso hadlka Madaxweynaha Galmudug

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2016/03/SHIRKA-JARAAID-EE-MADAXWAYNAHA-GALMUDUG.mp3
Previous Post

Daawo Sawirrada: Xaflad soo dhaweyn ah oo madax ka tirsan dowladda loogu sameeyay London

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In