Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen deegaanka Wisil ee bariga gobalka Mudug ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Wisil iyo Hobyo taas oo qeyb ka ah dhismaha waddada isku xirta Galkacyo iyo Hobyo.

Munaasabadda  waxaa ka hadlay Gudoomiyaha gudiga isku xilsaaray dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac oo faah faahin ka bixiyay cidda gacan ka geysaneeysa dhismaha wadadaasi.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

“Dhismaha mashruucaan waxaa gacan geystay bulshada qeybahooda kala duwan oo ay ugu hoireeyaan Bahda Saxaafada Gobalka Mudug oo iyagu noqday bulshadii ugu horeeysay ee ku tabarucay dhaqaalihii ugu horeeyay markii la bilaabay yabooha dhismaha wadada kuwaasoo ilaa hadda hortiina taagan walina diyaar u ah in ay codkooda iyo maalkoodaba uga qeyb qaataan dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo  sidoo kale waxaa iyaguna door weyn ka qaatay ururada dhalinyarada haweenka ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed qaarkood ee ku nool
dalalka caalamka”  ayuu yiri Prof C/qaadir Maxamed Shirwac

Madaxweynihii hore Galmudug S/gaas  Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyada ay u leedahay bulshada dhismaha wadadaasi waxaana uu yiri “Dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo waxay fure u tahay dhismaha dakada dagmada hobyo waayo meel aan wado laheeyn suurta gal ma noqan karto in laga hirgaliya adeegyada bulshadu u baahan yihii  sida dekado garoomo diyaaradeed I.W.M”.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa gunaanadkii munaasabada ka warbixiyay doorka uu maamulku ka qaadan doono dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo

“Arintaani waa mid isku tashi ah waana mid aad ku amaanan tihiin waayo mid adag in dad shacab ahi ay ku dhiiranaadaan in dhisaan wadado aad u bur bursan oo gaareeysaa ilaa 260km anaga maamul ahaana waxaan qeyb u
qaadan doonaa in aan wadadaasi ka dhigno mid laamiya sidoo kalana aan xooga saarno dhismaha dakada magaalada hobyo”  ayuu yiri madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed

Mashruuca dhismaha wadsada isku xirta deegaanka Wisil iyo Dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa si rasmi ah u bilaawday waxaana ay socon dooontaa muddo 3 bilood ah sida ay xuseen injineerada wada howsha dhismaha wadadasi.

1 (3) 1 (5) 1 (6) 1 (9) 1 (10) 1 (12) 1 (13) 1 (29) 1 (38)

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay guddiga badbaadada Suxufiyiinta “SAWIRRO”

Next Post

Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul wasaaraha oo lagu magacaabay Danjirayaal

Next Post

Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul wasaaraha oo lagu magacaabay Danjirayaal

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In