Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 21, 2016
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen deegaanka Wisil ee bariga gobalka Mudug ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Wisil iyo Hobyo taas oo qeyb ka ah dhismaha waddada isku xirta Galkacyo iyo Hobyo.

Munaasabadda  waxaa ka hadlay Gudoomiyaha gudiga isku xilsaaray dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo Prof C/qaadir Maxamed Shirwac oo faah faahin ka bixiyay cidda gacan ka geysaneeysa dhismaha wadadaasi.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

“Dhismaha mashruucaan waxaa gacan geystay bulshada qeybahooda kala duwan oo ay ugu hoireeyaan Bahda Saxaafada Gobalka Mudug oo iyagu noqday bulshadii ugu horeeysay ee ku tabarucay dhaqaalihii ugu horeeyay markii la bilaabay yabooha dhismaha wadada kuwaasoo ilaa hadda hortiina taagan walina diyaar u ah in ay codkooda iyo maalkoodaba uga qeyb qaataan dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo  sidoo kale waxaa iyaguna door weyn ka qaatay ururada dhalinyarada haweenka ganacsatada iyo qurba joogta Soomaaliyeed qaarkood ee ku nool
dalalka caalamka”  ayuu yiri Prof C/qaadir Maxamed Shirwac

Madaxweynihii hore Galmudug S/gaas  Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo isna ka hadlay munaasabada ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyada ay u leedahay bulshada dhismaha wadadaasi waxaana uu yiri “Dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo waxay fure u tahay dhismaha dakada dagmada hobyo waayo meel aan wado laheeyn suurta gal ma noqan karto in laga hirgaliya adeegyada bulshadu u baahan yihii  sida dekado garoomo diyaaradeed I.W.M”.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa gunaanadkii munaasabada ka warbixiyay doorka uu maamulku ka qaadan doono dhismaha wadada Galkacyo iyo Hobyo

“Arintaani waa mid isku tashi ah waana mid aad ku amaanan tihiin waayo mid adag in dad shacab ahi ay ku dhiiranaadaan in dhisaan wadado aad u bur bursan oo gaareeysaa ilaa 260km anaga maamul ahaana waxaan qeyb u
qaadan doonaa in aan wadadaasi ka dhigno mid laamiya sidoo kalana aan xooga saarno dhismaha dakada magaalada hobyo”  ayuu yiri madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed

Mashruuca dhismaha wadsada isku xirta deegaanka Wisil iyo Dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug ayaa si rasmi ah u bilaawday waxaana ay socon dooontaa muddo 3 bilood ah sida ay xuseen injineerada wada howsha dhismaha wadadasi.

1 (3) 1 (5) 1 (6) 1 (9) 1 (10) 1 (12) 1 (13) 1 (29) 1 (38)

Previous Post

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay guddiga badbaadada Suxufiyiinta “SAWIRRO”

Next Post

Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul wasaaraha oo lagu magacaabay Danjirayaal

Next Post

Wareegto ka soo baxday xafiiska Raisul wasaaraha oo lagu magacaabay Danjirayaal

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In