Friday, May 27, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay guddiga badbaadada Suxufiyiinta “SAWIRRO”

March 21, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay guddiga badbaadada Suxufiyiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta kulan la qaatay guddiga badbaada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa kala hadlay halka ay mareyso howshii saxaafadda dalka ay u xilsaartay oo ah dhameyntii khilaafkii hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka iyo qaban qaabada doorashada lagu dooranayo Hogaanka cusub ee NUSOJ, iyagoo maantana la kulmay mid ka mid ah garabyadii isku khilaafsanaa hogaanka ururka.

Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah xoghayihii NUSOJ ayaa sheegay in uusan aheyn musharax u taagan qabashada xilka NUSOJ, isagoo tilmaamay in xafiiska uu kuwareejin doono hogaanka cusub oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed soo doortaan.

Related posts

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022

“Aniga waxaan idin cadeynayaa in aanan aheyn musharax oo aan wax xil ah ka doneyn ururkan, balse aan gaarsiin doono inta hogaan cusub laga soo dooranayo,” ayuu yiri Maxamed.

Gudoomiyaha gudiga badbaadada suxufiyiinta Soomaaliyeed  Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud, Malyuun Sheekh Xeydar iyo  Cabdullaahi Xirsi Kulmiye oo xubno ka ah guddiga ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxamed Ibraahim Bakistaan, iyagoo ku tilmaamay guul u soo hooyatay dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiye ki xigeenka guddiga badbaada suxufiyiinta Soomaaliyeed Ismaaciil Sheekh khaliifa ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen.

“Gebagebadiisa waxaa lagu heshiiyay in la wada taageero howsha guddigan uu wado iyo sidii loo qaban lahaa shirweyne guud si loo helo hogaan mideysan oo ay leeyihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Khaliifa.

Guddigan badbaadada saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa mudooyinkan dambe waxa ay dadaal ugu jireen sidii loo heli lahaa hogaan mid ah oo uu yeesho ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

IMG_2907 IMG_2909 IMG_2914 IMG_2920 IMG_2928 IMG_2938

 Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Feereysane

Previous Post

Wasaaradda caafimaadka oo ku baaqday in la caawiyo isbitaalada Madiina iyo Banaadir

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

Madaxweynaha Galmudug oo ka qeybgalay munaasabad lagu furayay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Wisil iyo Hobyo+Sawirro

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

Duqa Muqdisho oo hishiis la saxiixday Duqa Konya

May 27, 2022
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo Duqa Magaalada Konya ee Dalka Turkiga...

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

Ciidanka Xoogga oo Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan

May 27, 2022
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Deegaanka War-Ciise ee gobolka Shabeellaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan kaasi oo ay ku baacsanayeen...

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

Aljazeera oo ICC u gudbineysa dacwad la xiriirta dilka weriye Shireen Abu Akleh

May 27, 2022
0

Shabakadda Warbaahinta Aljazeera ayaa qabanqaabisay koox dhanka sharciga ah,si ay dacwad ku saabsan dilka wariye Shireen Abu Akleh ugu gudbiyaan...

Madaxweye JFS oo qaabilay ergayga gaarka ah ee midowga Yurub u qaabilsan geeska Africa

Madaxweynaha JFS oo u mahadceliyay guddiyadii doorashooyinka dalka

May 27, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In