Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo ay wehlinayaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiika Arrimaha Gudaha dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay, ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashaariicda hormarineed ee loogu talagalay Galmudug, Amniga iyo Abaaraha ka jira guud ahaan Soomaaliya.