Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo lagu wareejiyay hub, gaadiid Iyo ciidamo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo lagu wareejiyay hub, gaadiid Iyo ciidamo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa maanta waxa uu Hub, Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo kala wareegay beel ka mid ah beelaha dega gobalka Mudug.

Odoyaasha iyo Waxgaradka Beesha reer Jalaf Sacad ayaa dowlada Galmudug ku  wareejiyay  Gaadiid dagaal oo ay saaran yihiin Qoryo, Ciidamo iyo Hubkooda, waxayna qaarkood sheegeen inay ka go’an tahay la shaqaynta dowladooda isla markaana ciidamada beeshaasi ka tirsanaa xiligaan waxii ka dambeeya ay mas’uul ka tahay dowlada Galmudug kuna wareejiyeen iyaga iyo hubkooda.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Madaxweynaha dowlada Galmudug ayaa si weyn ugu mahadceliyay Beesha reer Jalaf Sacad, waxuuna tilmaamay inay dowladiisa awoodda ugu weyn saari doonto dhanka Amniga.

Madaxweynaha waxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada beeshaasi ka tirsanaa xiligaan waxii ka dambeeya ka tirsan yihiin dowladda Galmudug lana ciidamin doono oo Mushaar iyo wax kasta oo Askari u baahan yahay loo dhameystiri doono.

Dhanka kale, Madaxweynaha dowlada Galmudug ayaa maanta isku dhafay ciidamo beeleedyo maalmihii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Gaalkacyo, waxuuna Madaxweynaha la hadlay ciidamadaasi isagoo kula dardaarmay inay Midoobaan kana shaqeeyaan sugidda amniga deegaanada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya, waxuuna tilmaamay inay yihiin xiligaan ciidamo ka tirsan dowlad Galmudug iskana iloobaan beelo beelihii hore una soo jeestaan xoreynta deegaanada sharwadayaasha al-Shabaab gacanta ugu jira ee Galmudug ka tirsan iyo sugida amniga guud ee Galmudug.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

Previous Post

War Deg Geg ah:Qarax lala Eegtay Kolonyo Gawari ah

Next Post

Madaxweynaha Oo Ummada Soomaaliyeed Alle Uga Baryay Inuu Dhibta Ka Dulqaado “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Oo Ummada Soomaaliyeed Alle Uga Baryay Inuu Dhibta Ka Dulqaado “SAWIRRO”

Madaxweynaha Oo Ummada Soomaaliyeed Alle Uga Baryay Inuu Dhibta Ka Dulqaado "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In