Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo lagu wareejiyay hub, gaadiid Iyo ciidamo “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo lagu wareejiyay hub, gaadiid Iyo ciidamo “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan  magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa maanta waxa uu Hub, Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo kala wareegay beel ka mid ah beelaha dega gobalka Mudug.

Odoyaasha iyo Waxgaradka Beesha reer Jalaf Sacad ayaa dowlada Galmudug ku  wareejiyay  Gaadiid dagaal oo ay saaran yihiin Qoryo, Ciidamo iyo Hubkooda, waxayna qaarkood sheegeen inay ka go’an tahay la shaqaynta dowladooda isla markaana ciidamada beeshaasi ka tirsanaa xiligaan waxii ka dambeeya ay mas’uul ka tahay dowlada Galmudug kuna wareejiyeen iyaga iyo hubkooda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha dowlada Galmudug ayaa si weyn ugu mahadceliyay Beesha reer Jalaf Sacad, waxuuna tilmaamay inay dowladiisa awoodda ugu weyn saari doonto dhanka Amniga.

Madaxweynaha waxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada beeshaasi ka tirsanaa xiligaan waxii ka dambeeya ka tirsan yihiin dowladda Galmudug lana ciidamin doono oo Mushaar iyo wax kasta oo Askari u baahan yahay loo dhameystiri doono.

Dhanka kale, Madaxweynaha dowlada Galmudug ayaa maanta isku dhafay ciidamo beeleedyo maalmihii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Gaalkacyo, waxuuna Madaxweynaha la hadlay ciidamadaasi isagoo kula dardaarmay inay Midoobaan kana shaqeeyaan sugidda amniga deegaanada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya, waxuuna tilmaamay inay yihiin xiligaan ciidamo ka tirsan dowlad Galmudug iskana iloobaan beelo beelihii hore una soo jeestaan xoreynta deegaanada sharwadayaasha al-Shabaab gacanta ugu jira ee Galmudug ka tirsan iyo sugida amniga guud ee Galmudug.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

Previous Post

War Deg Geg ah:Qarax lala Eegtay Kolonyo Gawari ah

Next Post

Madaxweynaha Oo Ummada Soomaaliyeed Alle Uga Baryay Inuu Dhibta Ka Dulqaado “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Oo Ummada Soomaaliyeed Alle Uga Baryay Inuu Dhibta Ka Dulqaado “SAWIRRO”

Madaxweynaha Oo Ummada Soomaaliyeed Alle Uga Baryay Inuu Dhibta Ka Dulqaado "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In