Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo si kulul u cambaareeyey weerarki Hoteelka Saxafi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo si kulul u cambaareeyey weerarki  Hoteelka Saxafi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

01 November 2015 – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka GalMudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisadu ka fuliyeen Hoteelka Saxafi.

Madaxweyne Guuleed ayaa yiri “Innaa lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun, dhamaan intii ku geeriyootay falkii argagaxisada ee Hotel Saxafi waxaan EEBBE uga baryaynaa inuu Jannadii fardowsa ka waraabiyo, Inta dhaawaca ahna EEBBE u fududeeyo dhaawacooda. Falalka argagaxisada ah waa mid lagu dhantaalayo horumarka dalka isla markaasna lagu bahdilayo diinteena suuban ee Islaamka”.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Madaxweynaha GalMudug ayaa sheegay in shaqsiyaad muhiim u ah dalka Soomaaliya ay halkaas naftooda ku waayeen, wuxuuna si gaar ah u xusay Xildhibaan Cabdi Maxamed Abtidoon, Ganacsade Cabdirashiid Shire Ilqeyte iyo Abaaduulihii hore ee XDS Cabdikariin Yuusuf Aaden dowrki ay ku lahaayeen dhismaha Dowlad Goboleedka GalMudug, Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “waxay naga wada istaahilaan inaan doorkooda xusno, falka noocaan oo kale ahna wuxuu nagu sii dhiirageliyaa inaanu sii laba jibaarno dadaalki ay wadeen ee ku aadanaa samata bixinta iyo dib u dhiska dalkeena”.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gebagabeeyey “Dagaalka lagu sifeynayo argagaxisada waa in la sii xoojiyo, isla markaana Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo ciidamada AMISOM ay xooga wada saaraan sidii loo cirib tiri lahaa argagaxisada. Haddii aan argagaxisada laga ciribtirin dalka waxey ku dhiiranayaan falalka noocaan oo kale ah. Dowladda GalMudug iyadoo kaashaneysa Dowlada Dhexe iyo Beesha caalamka waxaa ka go’an  in ay deegaanadeeda ka cirib tirto argagaxisada”.

Previous Post

Guddoonka Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Dadkii Ku Geeriyooday Hotel Sahafi … WARSAXAAFADEED

Next Post

AMISOM oo cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

Next Post
AMISOM oo cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

AMISOM oo cambaareysay weerarkii Hotel Saxafi

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In