Thursday, August 11, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay la wareegidda Wabxo “War-saxaafadeed”

October 20, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweeyay la wareegidda Wabxo “War-saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Dowlad Goboleedka GalMudug ee Soomaaliya

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

August 11, 2022
Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

August 11, 2022

 War-saxaafadeed

20 October 2015 – Madaxweynaha Dowladda Galmudug  Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo sifeynta kooxaha nabad-diidka ah oo maanta laga sifeeyey magaalada Wabxo ee degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha GalMudug ayaa yiri “Guusha maanta ay ciidamadu kaga sifeeyeen kooxaha argagaxisada Magaalada Wabxo waxey fursad siineysaa in shacabka deegaanku ay cabsida ka baxaan una soo jeestaan inay horumarka deegaanka kala shaqeeyaan Dowladda GalMudug”.

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlayey dagaalkii maanta Wabxo looga xoreeyey kooxaha nabad-diidka ah ayaa yiri “Waxaan marka hore ammaan iyo bogaadin u soo jeedineynaa ciidamada Xooga Daka Soomaaliyeed oo iyaga oo kaashanaya shacabka deeaanka ku guuleystay in kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyo Magaalada Wabxo. Waa fursad qaali ah oo shacabka deegaanku ku helayaan neecow nabadeed, isla markaana cabsidii iyo welwelkii kooxaha argagaxisada ay kaga baxayaan.”

Madaxweyne Guuleed ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka deegaankaas gar-gaar lala soo gaaro, wuxuuna yiri “Shacabka Wabxo iyo dhammaan deegaanada laga xorreeyey Al-Shabaab waxay nooga baahanyihiin inaanu si deg-deg ah ula gaarno gar-gaar bini’aadanimo iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga si shacabka deegaanku u dareemaan faa’iidada ay dowladnimadu leedahay. Shacabka deegaanka waxay muddo ku hoos jireen gacanta argagaxisada oo hanjabaad iyo cagajugleyn ku hayay mudo dheer, maantana waxay u baahanyihiin inay dareemaan xoriyad si ay mustaqbalkooda uga fikiraan.”

Madaxweynaha ayaa Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka ugu baaqay in shacabka deegaanada la xoreeyey si deg-deg ah loo soo gaaro, wuxuuna yiri “Dowladda GalMudug waa mid curdun ah oo aan wali awoodin inay adeegyada aasaasiga ah gaarsiiso deegaanada laga xoreeyey kooxaha aragagaxisada ah, sidaas darteed, waxaan ugu baaqayaa shacabka GalMudug, gaar ahaan ganacsatada iyo qurbojoogta, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka in ay si deg-deg ah gurmad ula soo gaaraan deegaanada dhawaan la xoreeyay”.

DHAMAAD

Previous Post

Odayaal iyo waxgarad ka qeybgalay kulan nabaadeed oo lagu qabtay Beledweyne “Sawirro”

Next Post

Agaasime Bahlaawi oo kulan la qaatay maamulaha Jaamacadda caalamiga ah ee Africa “Sawirro”

Next Post
Agaasime Bahlaawi oo kulan la qaatay maamulaha Jaamacadda caalamiga ah ee Africa “Sawirro”

Agaasime Bahlaawi oo kulan la qaatay maamulaha Jaamacadda caalamiga ah ee Africa "Sawirro"

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Beladweyne

August 11, 2022
0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeer shaqo ku tagay Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan. Jeneraal...

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Beeraha Oo Xariga Ka Jaray Dhismooyin Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyay Wasaaradda

August 11, 2022
0

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya mudane Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Saciid Xuseen Ciid...

Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

Agaasimaha guud ee W/warfaafinta XFS oo ka tacsiyeeyay geerida maamo Xaliimo Shire Cabdi

August 11, 2022
0

إنا لله وإنا إليه راجعون   Allaha u naxariistee waxaa maanta geeriyootay Xaliimo Shire Cabdi oo ka tirsaneyd howlwadeennada wasaaradda...

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee degmada Cadaado oo xilka la wareegay

August 11, 2022
0

Munaasabad ey goobjoog ka ahayeen Wasiiro ka tirsan Galmudug, taliska booliska Cadaado, Guddoomiyaha degmada Baxdo, Golaha degaanka Degmada Cadaado, qaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In