Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne ku qaabilay wafdi ka socday Midowga Africa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Guddiga Nabadgalyada iyo Amniga Midowga Afrika oo soo gaaray magaalada Beledweyne, ayaa maanta Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare iyo Golihiisa Wasiirada waxa ay la qaateen kulan.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Kulankan ayaa looga hadlay Xoojinta Ammaanka Hirshabelle iyo sidii la isaga kaashan lahaayeen dar dargalinta Howlgalada ay ka wadaan ciidamada AMISOM dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac Amniga iyo sidii Hirshabelle looga gacan siin lahaa xoojinta Amniga, sidoo kalena ay dhageystaan baahiyaha iyo caqabadaha dhinaca amniga ah ay qabaan.

Maxamed Idiris Faarax, Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminayay ayaa Madaxweynaha Hirshabelle sharaxaad ka siiyay, ujeedka safarkooda, isagoo xusay in ay salka ku heyso sidii si dhab ah looga shaqeyn lahaa horumarinta dhinaca Amniga Hirshabelle wuxuuna ka mahadceliyay soo dhoweynta loo sameeyay.

Sidoo kale wuxuu amaanay doorka ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Itoobiya ee xaqiijinta Amniga iyo naftii hurnimada ay kaga howlgalaan, wuxuuna bogaadiyay shaqada Hufan ay dadka iyo dalka u hayaan.

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir, ayaa ku ammaanay Madaxweynaha Hirshabelle dadaalka uu ugu jiro Hirshabelle oo Horumar iyo Amni buuxa gaarta, sidoo kalena uu sheegay dadku in ay ku dhiiran yihiin in Amni ay gaaraan, si gaar ah waxa uu carabka ku adkeeyay, ka AMISOM ahaan in ay qorsheynayaan in ay balaariyaan howlgalada Hirshabelle laga sameynayo kaasi oo lagu ciribtirayo argagaxisada islamarkaana la isugu furayo wadooyinka kala xiran ee Dowlad Goboleedka.

Kulanka oo saacada qaatay ayaa Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, si qotodheer kaga hadlayay baahiyaha dhinaca amniga ah ee ka jira Hirshabelle, waxaana uu dul istaagay wadooyinka kala xiran oo cadowgu kala go’doomiyeen bulshada taasi oo caqabad ku ah umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Hirshabelle.

Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kaga mahadceliyay wafdigani heerkiisu sareeyay booqashada ay ku yimideen Beledweyne, waxaana uu ka dalbaday in si deg deg loo fuliyo howlgalada la qorsheynayo in laga sameeyo Hirshabelle.

 

 

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowladdda Hirshabelle.

Mustafa Xuseen Cabdulle.

Previous Post

Dowladda Koonfurta Suudaan oo balan qaday in wax laga qabanayo culeysyada heysta ganacsatada Soomaaliyeed

Next Post

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga “SAWIRRO”

Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo kormeeray Koontaroolada Ciidamada amniga "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In