Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne kula  kulmay Odayaasha Dhaqanka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne kula  kulmay Odayaasha Dhaqanka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

September 12, 2026

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026
Madaxweynaha dawlad goboleedka Hirshabeelle mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaaladda Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka jawiil, isagoo kala hadlayay dar-dar galinta arrimaha Dib u heshiisiinta ka socota Gobolka Hiiraan, iyo in odayaasha iyo waxgaradka ay ka shaqeeyaan xoojinta Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.
Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Jawiil ayaa uga xog waramay Madaxweynaha xaalada nololeed ee shacabka ku nool deegaanka Jawiil iyagoo ka codsaday Madaxweynaha in laga hirgeliyo deegaankaasi mashaariic horumarineed.
Wasaaradda Dib u Heshiisiinta iyo Maamulada Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa ku howlan dar-dar galinta Barnaamijka Dhab u heshiisiinta Guud ahaan Deegaannada Hirshabeelle.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta magaalada Beledweyne kula kulmay Guddiga Xalalka Waara ee Heerka wasiir iyo Guddiga Ganacsatada Beledweyne, isagoo kala hadlay dar-dargalinta Howlaha Ka hortaga Fatahaadaha, waxaana madaxweynaha uu guddigu amray si deg deg ah in loo fuliyo Mashruuca Biyo xireenka Beledweyne.
 Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Hirshabelle Jaamac Xuseen Jaamac Xaashi, oo si faah faahsan kaga hadlay qorshaha la xiriira fulinta Mashruuca Biyo Xireenka, Sidoo kale ingineerada ka shaqeynaya fulinta mashruucani, ayaa shirka ku soo bandhigay sida ay u diyaariyeen Howlaha farsamada ee la xiriira Biya Xireenka.
Tags: Madaxweynaha Hirshabeelle oo Beledweyne kula  kulmay Odayaasha Dhaqanka+Sawirro
Previous Post

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dar dargelinayo adeegyada Bulshada Caasimada+Sawirro

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhegeyso: Barnaamijka Bandhiga Wareysiyada Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo daahfuray sanad-tacliimeedka 2026/2027 ee Waxbarashada sare ee dalka

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda furitaanka sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada...

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo hawlgal kulasoo wareegay deegaanno dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 18-aad Kumaandooska Gorgor, Guutada 12-aad Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor iyo Guutada...

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya....

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Abdisalam Ali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In