Thursday, May 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo Maanta Kulan Qado ah la qaatay xildhibaanada Maamulkaasi “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare kulan qado ah kula yeeshay xarunta madaxtooyada ee magaalada Jowhar xildhibaanada Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku-xiggeenka Dawlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiye Ku-xiggeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Cabdi xuseen Geedi, iyo Ku-xiggeenka labaad Canab Axmed Ciise, waxaana ujeedka kulanka uu ahaa kala warqaadasho la xiriira Horumarinta Hirshabelle iyo siddii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta dadaalada lagu doonayo Maamulkaasi oo horumarsan.

Related posts

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026

Madaxweyne Waare ayaa kulankaan uga warbixiyay xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle safaradii uu ugaga maqnaa caasimada Hirshabelle iyo xaalada guud ee Maamulkaasi.

Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdi Xuseen Geedi oo la hadlay Warbaahinta kulanka kadib ayaa sheegay in kulankan ay sidoo kale iska wareysteen Madaxweynaha xaaladahii ugu dambeeyay Maamulka goboleedka, waxana uu xusay in Baarlamaanka Hirshabeelle uusan wax khilaaf ah ka jirin.

”Waxaan ka dhagaysanay warbixin dheer oo ku saabsan gobolka Hiiraan iyo howlihii uu ka soo qabtay gobolkaas oo guul ku so dhamaatay ” ayay tiri Guddoomiye ku xigeenka labaad Baarlamaanka Hirshabelle Marwo Canab Axmed Ciise.

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, shalay ayuuna dib ugu soo laabtay magaalada caasimada ah ee Jowhar.

Previous Post

Wasiir Dawlaha Waxbarashada XFS oo Muqdisho ka furay shir looga hadlayo kor u qaadista tayeynta waxbarashada “Sawirro”

Next Post

Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u billaabay Sugidda Amniga Dhuusamareeb

Next Post
Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u billaabay Sugidda Amniga Dhuusamareeb

Laamaha Amniga Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u billaabay Sugidda Amniga Dhuusamareeb

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

Shirka golaha Wasiirrada Koofur Galbeed oo looga hadlay xaaladda guud ee deegaannada Koofur Galbeed

May 21, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada...

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta oo kormeeray goobaha loo diyaariyay in ay degaan Xujeyda Soomaaliyeed

May 21, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali ayaa xalay kormeer ku tegay Teendhooyinka Xujeyda Soomaaliyeed loogu diyaariyay...

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

Saraakiil ka tirsan CXD oo lagu soo dhaweeyey magaalada Baydhabo

May 20, 2026
0

Kaaliyaha Taliska Xoogga Dalka Soomaliyeed Gen Maadey Nuurey Sheekh ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee caasimada ku meelgaarka ah ee Koofur...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In