Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Madaxda Hay’adaha QM ee IOM, FAO iyo UNHABITAT

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay Madaxda Hay’adaha QM ee IOM, FAO iyo UNHABITAT
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayeen Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabisan FAO, IOM iyo UNHABITAT.

Wafdigaan oo ka koobnaa Wakiilka Hay’adaha IOM Frantz Celestin, Wakiilka FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo Madaxa Mashaariicda Hay’adda UNHABITAT Sebastian May oo ay wehliyeen Agaasimayaasha iyo hawlwadeennnada mashriicda kala duwan ay hay’adahaan ka fuliyaan deegaanada Hirshabeelle.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada, Agaasimeyaasha Hay’adaha Dowladda iyo la-taliyeyaal sare ayaa lagu soo bandhigay mashaariicda ay hay’adahaan ka fuliyaan Hirshabeelle, iyadoo lagu falanqeeyay baahiyaha ka jira deegaanada laga xoreeyay khawaarijta, saameynta taban ee biyo baxadu ku yeelatay dadka iyo deegeenka, horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah, harumarinta Magaalooyinka iyo Dowlad wanaagga.

Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay Madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee IOM, FOA iyo UNHABITAT garab istaagga ay siiyaan Dowladda iyo Shacabka Hirshabeelle, gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-degga, horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo maal-gelinta deegaannada laga xoreeyay khawaarijta, wuxuuna ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista wada shaqaynta si dadka loo gaarsiiyo adeegayada ay u bahan yihiin.

Previous Post

Wasiiro iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay saameynta Maandooriyaha

Next Post

Shirkad Gaalkacyo ka hirgelisay qalab ku shaqeynaya Ileyska Cadceedda (Solar system)

Next Post
Shirkad Gaalkacyo ka hirgelisay qalab ku shaqeynaya Ileyska Cadceedda (Solar system)

Shirkad Gaalkacyo ka hirgelisay qalab ku shaqeynaya Ileyska Cadceedda (Solar system)

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In