Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo oo si casri loo dhisay iyo mashaariic kale oo laga hirgaeliyay gudaha degmadaas.
Socdaalka Madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tagay degmada Balcad waxaa ku wehlinayay Xildhibaan Cusmaan Xaadoolle oo ka tirsan golaha shacabka BFS, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale..