Madaxweynaha Maamulka Hirshabeellle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa gudoomiyay Shir looga hadlayay Barnaamijka Xasilinta ee ku qotoma Mashaariicda Bulshada, Maamul dhisida, Amniga, Cadaaladda iyo Xalinta Khilaafaadka.
Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaanada deegaanka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa diirada lagu saaray Dardargalinta iyo Isku Xirka Arrimaha Xasilinta adkeynta Nabadgelyada, Maamul dhisida, Dadaallada Xalinta Khilaafaadka, Xoojinta iyo Tayeynta Hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho adeeg Garsoor oo Cadaalad ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in Degmada Cali Gaduud iyo dhamaan Magaalooyinkii laga xoreeyay Khawaarijta la gaarsiiyo adeegyo horumarineed oo waxtar u leh bulshada si ay uga soo kabtaan dhibaatooyinkii ay cadowga ku hayeen 15-kii sano ee lasoo dhaafay.